4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 21, 2014
Wiil dhallinyaro ah oo xalay ku gubay degmada H/wadaag Wiil uu Abti u ahaa

Talaado, Oktoobar 21, 2014 (HOL) — Fal naxdin leh ayaa xalay ka dhacay Howl-wadaag oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kaddib markii wiil dhalliyaro ah uu gubay wiil uu abti u ahaa xilli uu hurdayay, isagoo ku gubay aashito.

Wiilka la gubay oo lagu magacabo Cali Ibraahim Raage iyo kan wax gubay oo lagu magacaabo Mahad Cali Barre ayaa la sheegay in isaga iyo abtigii uu ka dhexeeyay muran la xiriira joogitaanka guriga, iyadoo labada wiil oo ah dhallinyaro uu mid walba isku dayay inuu kan kale guriga ka saaro.

“Xalay waxaa gurigayga lagu gubay wiil aan dhalay oo lagu magacaabi jiray Cali Ibraahim Raage, waxaana gubay wiil aan walaalo nahay oo dhowr jeer uu muran dhexmaray, inkastoo la xalliyay, haddana ay xalay arrintan aadka u foosha dhacday,” ayay tiri Mako Siyaad Bulaale oo ah hooyada dhashay wiilka la gubay.

Sidoo kale, Hooyo Mako waxay sheegtay in dilka wiilkeeda laga war helay saakay aroortii, iyadoo kii wax dilay oo ay sheegtay inuu la dhashayna uu baxsaday, meel uu jirana aysan ogeyn.

“Wiilkeyg markii uu iska soo fiidsaday xalay oo uu casheeyay ayuu seexday, saakay salaadii subax ayaa la arkay isagoo jirka iyo gogoshiisiiba ay isku bur-bureen, korkii dhan wuu karay, indhihii waa kareen, qof walba oo soo gala gurigana waa ashahaatay markuu arkay sida ay wax u dhaceen,” ayay hooyo Mako hadalkeeda ku dartay.

Ciidamada booliiska degmada Howlwadaag oo guriga uu falku ka dhacay tagay ayaa billaabay inay baaritaan ku sameeyaan wiilkii dhibaatada xun geystay si ay u soo qabtaan, inkastoo aan la ogeyn halka uu aaday.

Falkan ayaa wuxuu ka mid noqonyaa falalka aadka u foosha xun ee xilliyadii lasoo dhaafay ka dhacayay Muqdisho, iyadoo sidan oo kale ay horay dhowr qof dilal ugu geysteen waalidkood, sida hooyadood, aabbahood iyo dad kale oo waalid u ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya