4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 21, 2014
Webiga Jubba oo ku fatahay Deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka J/hoose
Talaado, 21 Oktoobar, 2014 (HOL) :- Webiga Jubba ayaa ku fatahay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka J/hoose, iyadoo fatahaadda uu webigu sameeyay ay dad badan deegaanadooda uga barakaceen, waxaana sidoo kale ku baaba’ay dalagyo ay lahaayeen dad beeraleey ah.

Webiga ayaa ka fatahay Tuulooyinka Makalaagow iyo Mashaqo, waxayna fatahaaddaasi saameeysay dhul beereedyo baaxad leh oo ku yaal deegaanada Kamsuuma, Makalaangoo, Mashaqo iyo weliba Tuulada Maafi.
Abuukar Muuse oo kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Kamsuuma ayaa HOL u sheegay in fatahaadda uu webigu sameeyay ay ku baaba’een dalagyo aad ku badan, islamarkaana ay fatahaadda webiga sababta in deegaanada qaarkood laga barakaco.

“Deegaanka Maafi dadkii deganaa oo dhan way isaga barakaceen, waxay u qaxeen dhanka Tuulada Buulo Maamoow, waxaana fatahaaddan ku baaba’ay beero abuurnaa sedex bilood iyo qaar kale oo dhawaan la beeray,” ayuu Abuukar hadalkiisii raaciyay.

Mar aan weeydiinnay waxa sababay fatahaadda ayuu yiri: “Webiga maalmahanba biyo aad u badan ayuu waday, dhanka Itoobiya ayuuna biyahaa ka keenay, waxay ila tahay in roobab gobollo kale ka da’ay ay sababayaan fatahaaddan.”

Dadka deegaanka ayaa wada isku dayo ay doonayaan in ay ku hakiyaan fatahaadda uu wado webiga Jubba, haseyeeshee ilaa imika laguma guuleeysan in la hakiyo fatahaaddaasi.
Aalaaba marka uu fatahaad sameeyo webiga Jubba, waxa ay waxyaalo ba’ani kasoo gaartaa dadka ku nool deegaanada ku dhow webiga iyo sidoo kale dalagyada ay ku beertaan hareeraha webigga Jubba.

..............
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
kismaayo-Soomaaliya.