4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 21, 2014
U gargaar Ilmo yar oo la xanuunsan qeybta kaadi mareenta
Talaado, 21 Oktoobar, 2014 (HOL) :- Cimraan Saalax Cabdulaahi waa Gabar yar oo jirta ilaa 2 bilood,waxayna ku dhalatey magaalada Baardheere ee gobolka Gedo,waxayna in mudo ah la liidataa xanuun soo wajahey qeybta kaadi mareenta oo xiran.

Xanuunkan oo ah mid ay ku dhalatey gabadha yar ayey dhaqaatiirta Muqdisho oo loo geeyey todobaad ka hor sheegeen in aysan waxba ka qaban karin xanuunka hayo gabadhan,waxayna sheegeen inay u baahan tahay qalliin caafimaad oo dalka dibadiisa ah.

Saalax Cabdulaahi(Ilkacase) oo ah aabaha dhaley gabadhan oo iminka ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xaaladda caafimaad ee gabadhiisa ee dalka wax looga qaban waayay, maadama qeybta kaadi mareenta ay banaanka taal.

"Dhaqaatiirta Muqdisho waxay ii sheegeen gabadhan yar in ay u baahan tahay 3 jeer oo qalliin ah oo dalka dibadiisa ah, waxayna ii sheegeen kharashaadka ku bixi kara inay gaareyso ilaa 20-kun oo doolar, mana awoodi lacagtaasi,” ayuu yiri aabaha dhalay ilmahan yare e xanuunsan.

Saalax C/laahi ayaa ugu danbeyn ka codsanaya dadka Muslimka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed in ay ku caawiyaan sidii wax loogu qaban lahaa gabadha yare e xanuunsan.
 
FG: Wixii  Faah-Faahin dheeri ah kala xariir  Teleefonka aabaha dhalay gabadha yar “Saalax Cabdullaahi (Ilkacase) oo ah +25261-8565555 ama +25261-5894854 ama gabadha hooyadeed oo ah Faadumo Maxamed Xasan, Teleefon lambar +25261-7300073 ama Emailkan: [email protected]


...............
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.