4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 20, 2014
Ergayga QM oo Cambaareeyay rabshadihii shalay ka dhacday Gobolka Hiiraan


Isniin, Oktoobar 20, 2014 (HOL) — Ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaliya, danjire Nicholas Kay ayaa cambaareeyay rabshadihii shalay ka dhacay gobolka Hiiraan, gaar ahaan Baladweyne iyo deegaannada ku dhow-dhow, isagoo ku sheegay qoraal uu soo saaray in la weeraray gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM ee gobolkaas ku sugan.

Danjiruhu wuxuu ku baaqay in colaadaha beelaha ku dhisan ee ka taagan tuulada Deefoow la dajiyo, kuwaasoo uu xusay in rabshadihii shalay ay ka dhasheen. Isagoo intaas raaciyay daray in kooxo hubeysan oo dadkii dhigayay dibadbaxa ku dhex-jiray ay rasaas ku fureen ciidamada AMISOM oo howlgal ugu jira sidii ay xasillooni ugu soo celin lahaayeen deegaanka Deefoow.

"Waxaan cambaareynayaa weerarkii shalay lagu qaaday ciidamada AMISOM, kaasoo oo ka dhacay meel ku dhow Deefow ee gobolka Hiiraan. Ciidamadu waxay doonayeen inay qaboojiyaan colaadda deegaanka ka jirta. Hoggaamiyaasha iyo odayaasha dhaqanka waa inay kawada shaqeeyaan si loo dejiyo xaaladda deegaanka, khilaafaadkoodana wadahadal nabadeed ay ku dhameeyaan iyagoo kaashanaya dowladd dhexe iyo maamulka gobolka,” ayuu danjire Kay ku yiri qoraalkiisa.

Ergaygu wuxuu hadalkiisa ku daray in dadka Soomaaliyeed ay dhibaato intii ku fillayd soo mareen, ayna ogaadaan in xaalado kale oo la abuuro aan lagu gaarayn wax wanaag ah. Waxaana caddeynayaa inay naga go’an tahay in aan gacan siinno dadka Soomaaliyeed, dowladdooda iyo AMISOM si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu tacsi u diray qoysaska, ehelladii iyo saaxiibbadii dadkii ku dhintay rabshadaha iyo colaadaha ka taagan gobolka Hiiraan, isagoo xusay in wixii maanta ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin gacan-ka-hadal iyo xiisado la abuuro.

Xaaladda degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maanta dagganayd, iyadoo dib ay u furmeen ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka, kaddib dibadbaxyo rabshado wata oo shalay ka dhacay degmadaas, kuwaas oo lagu diidanaa ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya