4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 20, 2014
Burcad xalay dhacay Dukaamo ay Ganacsato Soomaaliyeed ku Lahaayeen Islii


Isniin, Oktoobar 20, 2014 (HOL) — Kooxo burcad ah ayaa xalay dhac u geystay dukaamo lagu iibiyo dahabka oo ay ganacsato Soomaali ahi ku lahaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, gaar ahaan xaafadda Islii.

Dukaamada la dhacay ayaa waxay ku dhex-yaallaan dhismaha Shariifka oo ku taalla jidka Jaamka ee xaafadda Islii, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ay sheegeen in la wado baaritaan lagu ogaanayp kooxihii dhacaas ka dambeeyay, lana horkeenayo sharciga.

“Burcad ayaa xalay dhacay lix dukaan oo ku yaalla Islii, waxayna halkaa ka qaateen, lacag, dahab iyo baasaboorro ajnabi, waxayna ka tageen dhowr baasaboor oo Kenyan iyo Somali ah,” ayuu yiri Maxamed Ismaaciil Shiine oo ka tirsan maamulka Kamakunji oo ay Islii ka tirsan ayaa sidan u sheegay BBC-da.

Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in hantida la dhacay ay gaarayo malaayiin doollar, isagoo sheegay in hantida la dhacay qaarkood lahaa dumar iibiya dahabka oo mid ka mid ah lixda dukaan ee la dhacay ku xareysan jiray dahabkooda iyo lacagtooda.

“Mid ka mid ah dukaamada ayaa waxaa ku xirnayd kaamiro, waxaana loo dhiibay booliiska si ay baaritaanno ugu sameeyaan cidda ay yihiin kuwii ka dambeeyay dhaca,” ayuu Shiine hadalkiisa ku daray, isagoo dhanka kalena xusay in kooxaha dhaca geystay ay wateen baangado iyo maqasyada lagu jaro albaabbada, balse aysan arag wax hub ah oo ay wateen. Dukaamada qaar ka mid ahna la furay dukaamada.

Dhanka kala, sarkaalkan ayaa sheegay in waraadiyeyaashii dukaamadan la xiray, baari-taannada lagu hayo, isagoo xusay in arrintan ay tunusan yihiin inay lug ku leeyihiin dadka dukaamada lahaa iyo dadka dhimasha leh.

Waddanka Kenya ayaa waxaa kusoo kordhaha kooxaha burcadda ah ee dhaca u geysta goobaha ganacsiga, kuwaasoo intooda badan dhaca ka geysta goobaha ganacsiga ee Islii ku yaalla, halkaasoo ah goob ay Somaalidu u badan tahay.

Ugu dambeyn, sarkaalkan ka tirsan maamulka degmada Kamakunji oo ay Islii ka tirsan tahay ayaa sheegay in shalay ay kooxo burcad ah isku dayeen inay dhac u geystay mid ka mid ah dukaamada lacagaha lagu sarifo ee Islii, markii lagu buuqayna ay rasaas dishay qof Kenya ay goobta ku fureen; isla markiibana ay baxsadeen.

Wuxuu sheegay in dhaca ay magaalada Nairobi ku badan yihiin xilliyada ay soo dhawdahay maalmaha ay dabaal-dagaan masiixiyiinta oo ku beegan 25-ka December, balse ay dadaal badan sameynayaan sidii kooxaha dhaca ka geysanaya Kamakunji ay uga difaaci lahaayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya