4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 20, 2014
Askar ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo ku Geeriyooday Shil Baabuur

Isniin, Oktoobar 20, 2014 (HOL) — Ugu yaraan toddoba askari oo ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa geeriyooday, kaddib markii gaari kuwa dagaalka ah uu kula rog-maday deegaanka Km-13 ee duleedka Muqdisho.

Ciidamadan ayaa la socday kolonyo gaadiid ah oo waday wafdi doonayay inay booqdaan dadkii kasoo barakacay deegaannada Koonfurta Somalia ku yaalla ee haatan ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale, shilkan gaari ayaa waxaa ku dhaawacay toddoba ruux oo kale oo isugu jiray ciidammo iyo dad kale oo uu ku jiray filim-qaade ka tirsan Horn-Cable TV  xafiiskiisa Muqdisho, iyadoo dhaawacyadii iyo maydadkiiba ay ka soo qaadeen goobta ciidammo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Wafdiga ay ciidamadan wadeen ayaa waxay isugu jireen xildhibaanno iyo xubno ka tirsan hay’adaha amniga Somalia, kuwaasoo ku socday degmada Afgooye, inkastoo wafdiga ay u baajiyeen safarkooda shilkan khasaaraha badan geystay.

Taliyaha hogaanka saadka booliiska Somalia, Jen. C/llaahi Xasan Bariise oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka tageen Muqdisho ayna kusii jeedeen degmada Afgooye, kuna balse uu si lama filaan ah ku rogmaday mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamadii ilaalinayay wafdiga.

“Askar badan ayaa ku dhintay, kuwo kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii gaari dagaal oo ay wateen uu rogmaday, gaarigaas wuxuu romaday innagoo marayna deegaanka Km-13, dhaawacyadii darnaana isbitaallada ayaa loola soo cararay markiiba,” ayuu yiri Jen. Bariise.

Ma jiro mas’uul ka tirsan wafdigii ay ciidamadan wadeen oo waxyeello kasoo gaartay shilkan, isagoo noqonaya shilkii ugu khasaare badnaa ee soo gaara ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya