4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 20, 2014
Cali Khaliif oo u Ambabxay Itoobiya eedeynna u jeediyay Maamulka Puntland


Isniin, Oktoobar 20, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeydh ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Buuhoodle isagoo kusii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Prof. Galaydh oo ay sii sagootiyeen xubno xukuumaddiisa ka tirsan, ururrada haweenka, dhallinyaradda iyo dadweynaha degmada ayaa hadal uu siiyay saxaafadda ku sheegay inuu ka qaybgalayo shir Itoobiya loogu qabanayo maamul-goboleeda Soomaaliya ka jira.

Sidoo kale Cali Khaliif ayaa walaac ka muujiyey xaaladda Muqdisho oo uu sheegay in maalin walba qarax ka dhacayo goobaha lagu kulmo, waxaanu dawladda federaalka ugu baaqay inay xalkeenaan. isagoo dhaleeceyn adag u jeediyay maamulka Puntland oo uu sheegay inay ku haystaan qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

"Wax badan waan is-diidsiinay colaadda Puntland; balse hadda waa mid aan laga fursan karin oo Soomaalida ayaa tidhaaha - Qaniinyo Qaniiyo ayaa kaa fujisa," ayuu yiri Prof. Cali Khaliif Galaydh.

Safarka uu madaxweynaha Khaatumo maanta ku ambabaxay ayaa kii ugu horreeyey oo tan iyo markii la doortay uu kaga baxay deegaanka uu ka taliyo maamulkiisa Khaatumo, inkastoo ku xigeenkiisa Cabdalla Caga-lule uu haatan ku sugan yahay dalka Ingiriiska.

Dhanka kale, safarkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay kalsooni ugu raadinayaan maamulka awooddiisu jilisan tahay oo ay colaadda ku hayaan maamullada hareeraha ka xiga ee Puntland iyo Somaliland.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool