4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 20, 2014
Ruuxii ka dambeeyay dilkii Taliyihii Booliiska Rako oo Boosaaso lagu Qisaasay

Isniin, Oktoobar 20, 2014 (HOL) —Nin horay u diley taliyihii booliska degamda Rako ee gobolka Karkaar ayaa maanta lagu qisaasay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Goobta xukunka qisaasta ahi ka dhacay waxaa ku sugnaa mas'uuliyiin ka tirsan dowlada oo ay kamid ahaayeen taliyaha qaybta booliska gobolka Bari iyo gudoomiyaha maxkamadda ciidamada iyo dembiyada culus.

Sidoo kale waxaa goobta ka socdaa tobannaan qof oo ka kala socdey ehelada eedaysanaya iyo dhanka ehelada dambiilaha.

Ninka la qisaasay oo lagu magacaabi jire Maxamed Warsame Saxar wuxuu bishii 6aad ee lasoo dhaafay diley Cabdulaahi Faarax Gaacshe oo ahaa taliyihii saldhigga booliska ee degmada Rako.

Isagoo si kooban uga warbixinayey dareenkiisa wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay xukunka lagu fuliyey maadaama laga gudayo dembi uu horay uga galay qof walaalkiisa ah oo aan waxba u dhimin.

" qof nasiib leh baa intuu qof dilo loo dilaa...waan ku faraxsanahay xukunka laygu fulinayo Ilaah iyo qaraabada marxuumkii aan sida xaq darrada ah ku dileyna cafis baan weydiisanayaa" Saxar ayaa daqiiqado kahor intaan la toogan sidaas u sheegay war-fidiyeenka.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Cabdixakiim Yuusuf Xuseen oo isna si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in maslaxaddu ku jirto in qofkii qof dila loo dilo maadaama qofkana dembi ka dhacayo ehelada dadka wax laga dileyna ku qancayaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya