4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 20, 2014
Wasiirka Warfaafinta oo Wariyayaal Somali ah kula kulmay Nairobi (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 20, 2014 (HOL) — Wasiirka Warfaafinta Somalia, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa Nairobi kulan wada-tashi ah kula qaatay qaar ka mid ah wariyayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan magaaladaas.

Kulanka oo inta badan ku saabsanaa xeerka warbaahinta Soomaaliya ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta iyo hanuuninta dad weynaha, C/risaaq Cali Yuusuf (Bahalaawi), Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) iyo Xuseen Jaabir oo ah la taliyayaasha wasiirka warfaafinta iyo liibaan Cabdi Warsame oo ka tirsanaa guddigii dib u eegista ku sameyay xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Bahalaawi ayaa sheegay in xeerka saxaafaddu uu yahay 90% yahay mid difaacaayo saxaafadda, isla markaasna looga baahan yahay wariyayaashu inay qayb ka noqdaan hir-galinta xeerkaas.

Wasiirka warfaafinta Somalia, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa isaguna ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen wariyayaashii ka qayb-galay kulanka kuwaa oo ku saabsanaa xeerka warbaahinta iyo waxqabadka wasaaraddiisa, iyagoo wasiirka wax laga weydiiyay wariyeyaal muddo ku xiran Muqdisho.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ka jawaabay su’aal ku saabsaneyd ammaanka suxufiyiinta iyo in dowladdu ay sugi karto, isagoo ku jawaabay. ”Ammaanka suxufiyiinta ma sugi karno marka la eego xaalada hadda la joogo.. maxaa yeelay way nagu adag tahay, waxaa la beegsanaayo ma ahan suxufiyiinta oo kaliya ee waxaa la dilayaa aqoonyahanadda iyo culumaa’uddiinka.”

Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in shaqsi ahaan isagu uu taageersan yahay in aanan la caburinin warbaahinta oo ay noqoto mid xor ah, taasina ay qayb ka qaadan karto horumarka dalka.

Xeerka saxaafadda Somalia oo ka kooban 30-qodob ayaa qeexaya xorriyadda saxaafadda, dhismaha xeerka, anshaxa saxaafadda iyo xuquuqda suxufiga.

Dalka Somalia oo muddo dheer aanu ka jirin xeer saxaafaddeed ayaa wuxuu kulankan kusoo beegmayaa iyadoo bishii July ee sanadkii hore ay golaha Wasiiradu ansixiyay xeerka saxaafadda Somalia, kaddib markii wasaaradda warfaafinta ay horgeysay. Sidoo kale baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga sugayaa inuu ka doodo xeerkaas oo uu meel-mariyo.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] |
[email protected]
Nairobi, Kenya