4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 20, 2014
Baarlamaanka oo Warbixin ka Dhageysanaya Guddiga Asxaabta Siyaasadda

Isniin, Oktoobar 20, 2014 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulanka uu maanta ku yeelanayo Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu warbixin kaga dhageysto guddiga u qaabilsan dhismaha xisbiyada siyaasadda dalka.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka dhageysn doonaan maanta warbixin guddiga asxaabta siyaasadda dalka oo ay dhawaan sameeyeen, kaasoo shaqeynayay muddo saddex bilood ah.

“Maadaama uu baarlmaanku dhisay laba guddi oo kala ah guddiga asxaabta siyaasadda dalka iyo guddiga doorashooyinka, kuwaasoo shaqeynayay sadex bilood ayaa maanta waxay xildhibaannadu dhageysan doonaan qorshaha uu soo diyaariyay guddiga asxaabta siyaasadda,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka iyagana laga dhageysan doono warbixintooda maalmaha soo socda, isgaoo xusay in warbixinta guddiga asxaabta siyaasadda ay tahay midda muhiimka ah ee ay dhageysanayaan maanta xildhibaannada baarlamaanka.

“Howlo badan ayaa u yaalla xildhibaannada u yaalla, waxaana ka mid ah ka doodista xeerka saxaafadda oo dhawaan loosoo gudbiyay iyo sidoo kale in la dhiso guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka dowladda, runtiina waa howlo adag oo fara badan, diyaar ayaana u nahay,” ayuu xildhibaanku ku sheegay hadalkiisa.

Dhanka kale, waxaa xiran waddooyinka soo gala dhismaha baarlamaanka, halkaasoo ay ilaalo xooggan ka hayaan ciidammo isugu jira Soomaali iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, si aanay shaqaaqo u dhicin inta kulanku socdo.

Ciidamadan ayaa waxay joogaan waddooyinka ku dhow baarlamaanka, iyagoo u diidaya gaadiidka yaryar iyo kuwa dadweynaha inay halkaas maraan, iyadoo la xusuusto in dhowr jeer la weeraray baarlamaanka oo uu kulan ka socdo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya