4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 20, 2014
AHLUSUNNA: Shirka Gobollada Dhexe Dhuuso-Mareeb ayaa lagu Qabanayaa

Isniin, Oktoobar 20, 2014 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo maamullada ka taliya gobollada dhexe ee Soomaaliya ka mid ah ayaa sheegay in shirka maamul-dhisidda gobollada dhexe ee dalka lagu qabana doono degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha golaha talada ee ururkan, Sheekh C/qaadir Cumra Aadan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in shirka gogoshiisu ay hadda taallo xarunta gobolka Galguduud, isagoo xusya in shacabka gobolladan ku nool ay doonayaan in shirku ka dhaco Dhuuso-mareeb.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay maamul wadajir loo dhisi doono gobollada Galguduud iyo Mudug, inkastoo muran badan uu ka dhashay dhismaha maamulkan, dhawaanna ay ka heshiiyeen dowladda iyo maamulka Puntland khilaaf ka dhashay shirkan.

“Shacabka gobolladan ku nool, waxay doonayaa in shirka lagu qabto dhuuso-mareeb, balse qolyo kale ayaa doonaya in shirka lagu qabto degmada Cadaado oo gobolka ka tirsan,” ayuu yiri Sheekh C/qaadir oo ku adkeysanaya in shirka lagu qabanayo Dhuuso-mareeb.

Maamullada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo ka mid ah maamullada ka mid noqonaya maamulka wadajirka ah ee gobollada dhexe loo sameynayo ayaa horay u sheegay in shirka lagu qabanayo Cadaado, halkaasoo uu maamulo maamulka Ximan iyo Xeeb.

Arrintan ayaa waxay muujinaysaa khilaafyo waayahan taagnaa oo ahaa in aan weli la isku raacsanayn halka lagu dhisayo maamulkan, iyadoo dhinac walba uu sheegayo in deegaanka uu maamulo lagu qabto shirka.

Shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ayaa dhowr bilood ka hor lagu saxiixay magaalada Muqdisho, iyadoo weli ay jiraan muranno ku saabsan habka loo dhisayo maamulkan iyo deegaannada uu ka talin doono.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhismaha maamullada ay ahmiyad weyn siinayso inta aanu dhammaan xilligeeda shaqo, si sannadka 2016-ka dalka ay uga dhacdo doorasho xor ah oo loo dhan yahay, dalkuna uu noqdo mid nidaamka federaal ah ku shaqeeya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya