4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 19, 2014
WARBIXIN: Waa sidee Xaaladda Baladweyne Dibadbaxyadii Kaddib (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 19, 2014 (HOL) — Xaalada magaalada Beledweyne ayaa waqtigan degan, kaddib dibadbax rabashado xoog leh wata oo maanta gallinkii hore  ka dhacay magaalada Beledweyne, kaa looga soo horjeeday ciidammada Jabuuti oo dad rayid ah ku dhaawacay maanta deegaanka Ceel-gaal oo 15-km Waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo la hadllay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dibadbaxa ay ka danbeeyeen dad si qaldan  wax loogu sheegay, waxaana uu meesha ka saaray eedeynta ah in ciidammada Jabuuti si ula kaca ah dhaawac ugu geysteen dad rayid ah.

“Sida arrinta loo buun-buuniyay ma’aha, waxaan is leeyahay dibadbaxa maanta dhacay waxaa ka danbeeyay dad si qaladan wax u fahmay, haddana xaalada waa ay degan tahay ayuu yiri,’’ guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Askar ka tirsan ciidanka Jabuuti ayaa intii dibadbaxu socday dhaawac u geystay labo haween ah oo sidda la sheegay isku dayay in ay u tallabaan saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada;

Waa markii ugu horeysay oo dadweynaha ku dhaqan Beledweyne sidan oo kale uga soo horjeestaan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo lagu tilmaami jiray kuwa ugu dhaw shacabka marka loo eego ciidamada kale howlgal-ka nabad-ilaalinta AMISOM.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti oo dhinacooda la hadllay warbaahinta waxaa ay beeniyeen in ay dad shacab ah is ula kac ah dhaawac ugu geysteen deegaanka Ceel-gaal, iyaga oo intaa ku darray in ciidamadooda la soo weeraray kaddibna is difaac sameeyeen.

Arrimahan oo dhan ayaa marka la eego waxaa la oran karaa waa kuwo salka ku haya colaadda ka soconaya deegaanka Deefoow oo dad badan rumeysan yihiin ay ku lug leeyihiin dhinacyo ka baxsan labada beelood ee iska soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya