4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 19, 2014
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka iyo Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo eedeymo isku jeediyay


Axad, Oktoobar 19, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somalia, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-Xanaf iyo Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa hadallo is-eedeyn u badnaa isku mariyay warbaahinta gudaha iyo midda caalamiga ah.

Avv. Caydiid Ilko-Xanaf oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay shirweynihii wadatashiga ahaa ee looga hadlayay xeerarka garsoorka dalka oo aan lagu soo wargelin isagoo ah guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

“Golaha adeegga garsoorku wuu soo dhaweynayaa diyaarna wuu u yahay, wax kasta oo lagu hagaajinayo ama gacan lagu siinayo in garsoorka dalku uu si wanaagsan u shaqeeyo. Hase yeesheen shirarka faraha badan ee lagu qabanayo hoteellada oo dad badan oo aan garsoorka lug ku lahayn la isugu keenayo lana leeyahay garsoorka ka hadla, waxaan u aragnaa inay tahay mid sharci-darro ah,” ayuu yiri Avv. Ilko-Xanaf.

Isagoo sii hadlaya Ilko-xanaf ayuu xusay in arrintan ay la macno noqonayso in garsoorka la hoos-geeyo wasaaradda cadaaladda, ayna ujeeddada guud ee loo sameynayo shirarkan loo qabanayo ay yihiin in garsoorku uu hoos-tago wasaaradda cadaaladda, taasoo uu sheegay inaysan suuro-gali karin.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa u muuqday inuu shaki weyn ka qabo qaabkii loosoo magacaabay xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo weliba sharci-nimadiisa.

“Dastuurka dalka u yaalla jago la yiraahdo Xeer-ilaaliye oo howlo gaar ah qaabilsan nooguma jirto, balse sharciyadii ka horreysay way noogu jirtay… marka haddii la doonayo in la bedelo xeer-ilaaliyihii sharciyadii hore; waxay ahayd in si sharci ah loo bedelo, taasoo ah inuu bedelo golaha gaarsoorka. Nin sheegan kara Xeer-ilaaliye oo aanu ansixin golaha adeegga garsoorku waxba kama jiraan. Xeer ilaaliyuhuna wuxuu ka tirsan yahay maxkamadda sare, sida loo magacaabayana waxay ku taallaa qodobbada 15-aad iyo 18-aad ee xeerka garsoorka. Haddii la doonayo in xeer ilaaliye la magacaabo waa inay golaha garsoorku magacaabaan una gudbiyaan madaxweynaha si uu wareegto sharci ah ugu soo saaro,” ayuu Avv. Ilko-Xanaf hadalkiisa ku daray.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa sidoo kale ku eedeeyay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka inuu sheegay hadal sharci ahaan gef ah, kaasoo ahaa inuu yiri ma jiro wax la yiraahdo golaha adeegga garsoorka.

“Ninka sheeganaya xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa yiri ma jiro golaha adeegga garsoorka, taasi waxaanan u maleynaynaa inay jaahilnimo badani ku jirto, waayo nidaamka dastuuriga ah ee dowladda ma ogola wax la yiraahdo jago bannaan oo aan ka jirin gole adeeg dastuur aanu ka jirin… meel aanu ka jirin madaxweyne ma ogola dastuurku… meel aanay wasiirro ka jirin ma ogola dastuurku… meelaan golaha xeer-dajintu jirin ma ogola dastuurku, wuxuuna nidaamka dowliga ah qabaa in jago walba cidda haysa ay sii haynayso inta illaa si sharci ah looga bedelo. Marka golaha adeegga garsoorku wuuu jiraan, inta si sharci ah loosoo magacaabayo gole deeg garsoor, mana jirto cid xilka ka qaadi karta,” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku daray.

Avv. Ilko-Xanaf ayaa xusay in dib loo eego habkii loo soo magacaabay xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo sharcigii loo maray, isagoo sheegay in haddii waddada sharciga ah loosoo maro inay soo dhaweynayaan.

“Qodobka 105-aad ee dastuurka Somalia wuxuu leeyahay awoodda garsoorka waxaa leh garsoorka… wuxuu kaloo leeyahay wuu ka madax-bannaan yahay hay’adaha kale ee dalka. Ninkaan intaas garan oo haddana wax sheeganaya isaga ayay u taallaa kamana yeelayno… innaga waa nala bedeli karaa sida dastuurka ku taalla ayaana naloo bedeli karaa… si sharci ahna waa in loosoo magacaabo… markaas ayaana xilka banneynaynaa, inta ka horreysana cid aan ka yeelanayno in la yiraahdo xilka waa laga qaaday kama yeelanayno,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay inuu ka soo horjeedo shirarka lagu qabtay Muqdisho ee aan laga talo-gelin, wuxuuna sidoo kale xusay inuu kasoo horjeedo magacaabista xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo in la hareer maray awoodaha iyo sharciyada golaha garsoorka.

Dhanka kale, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir oo isna wareysi uu siiyay VOA-da ayaa ka jawaabay hadalka uu sheegay Avv. Ilko-Xanaf, isagoo sheegay in waxyaabo badan laakiin macno-weyn aniga ilama lahayn, qodobka ugu weyn ee ii muuqda waa inuusan kala garan awoodaha guddiga garsoorka iyo hay’adaha kale.

“Wuxuu ku doodayo waa awooddu way qaybsan yihiin. Marka waxa uusan garan waxa weeye shaqada garsoorku waxay tahay, wuxuuna kala garan waayay in waxa laga doodayo ee la doonayo in la xoojiyo inay tahay shaqo uu garsoorku leeyahay iyo inay tahay shaqo ay hay’adaha kale ee dowladdu leeyihiin; sida baarlamaanka, golaha wasiirrada iyo wasaaradaha kale ee soo jeedin kara inay tahay,” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in shaqada garsoorku ay tahay in wixii dacwo ah ee loo keeno ay go’aan ka gaaraan; balse ma ahan hay’ad wax ka bedelka shuruucda dalka soo jeedisa, mana ahan hay’ad sharciga ansixisa. Sharciga waaxa soo jeedisa wasaaradda ku shaqada leh, kaddibna golaha wasiirrada ayaa ka dooda oo meel-mariya, kaddibna baarlamaanka ayaa la geeyaan si ay cod ugu qaadaan… markaas kaddibna madaxweynaha ayaa saxiixa kuna soo saara wareegto sharci ah. Isagoo yiri. “Meel ay ku qoran tahay in maxkamaduhu ay sharciga soo diyaariyaan haddii ay jirto isaga ayaa laga rabaa.

Mar la weydiiyay xeer-ilaaliyaha guud su’aal ahayd inuu guddoomiyuhu shaki ka qabo magacaabistaada nidaamkii loo maray iyo doorka ay maxkamaduhu ku lahaayeen shirkii garsoorka looga hadlayay ayaa kaga jawaabay in isaga laga rabo inuu caddeeyo sharcinimadeeda. Anigu waxaan maray jidkii magacaabistiisa ay soo martay, madaxweynaha ayaana i magacaabay.

“Door ayay maxkamaduhu ku lahaayeen shirka looga hadlayay dib u habeyn lagu sameeyo garsoorka dalka, qiyaastii 30 xubnood oo heer gobol iyo heer degmo ah oo ka socday maxkamadaha dalka ayaana goobjoog ka ahaa, wixii ra’yi ah ee ay qabaanna way dhiibteen; shaqadooduna waa inay sharciga fuliyaan ee ma ahan inay sharci soo saaraan. Marka doorkii la talinta ahaa ee ay ku lahaayeen way ka qaateen, laakiin shaqadaan shaqo wasaarad ayay ahayd,” ayuu mar kale yiri Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Ugu dambeyn, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa mar kale sheegay in wax laga naxo ay tahay in garsoorayaal aan lasoo magacaabin ay maanta xukun dil ah fulinayaa, ayna dadka xorriyadda ka qaadaan ama xabsi daa’in ay ku xukumaan. Fowdadaas horay ayay u soo jirtay, waxaanse sheegayaa in maanta wixii ka dambeeya lagula xisaabtmi doono sharciga la marsiin doono qof walba oo awood uusan lahayn ama aanu sharcigu siin ku dhaqma. Isagoo sheegay in xukunnadan aan sharciga ahayn ay ka jiraan maxkamada dalka oo dhan, ayna hayaan magacyada garsoorayaasha xukunnadaas aan sharciga ahayn fuliyay.

Hadalladan kulun ee ay mas'uuliyiintan warbaahinta isku mariyeen ayaa muujinaya inuu jiro kala shaki badan oo labadooda ka dhexeysa, iyadoo mid walba uu kan kale ku eedeeyay in uu yahay jaahil aan sharciga waxba ka garanayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya