4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 19, 2014
KENYA: Waxaan gacanta ku dhignay Gaari ay ku rarnaayeen Walxaha Qarxa

Axad, Oktoobar 19, 2014 (HOL) — Ciidanka amniga Kenya ayaa qabtay gaari Kenya laga leeyahay oo ay ku rarnaayeen waxyaabaha qarxa, kaddib howlgal ay ciidamo iskaashanaya ka sameeyeen deegaanno xadka ku dhow, sida uu sheegay afhayeen u hadlay milateriga Kenya.

Afhayeenka milateriga Kenya, Bogita Ongeri ayaa warbaahinta u sheegay in ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM ee Kenya ka socda oo kaashana ciidammo Soomaali ah ay toogteen shan qof oo gaarigaas saarnaa. Isagoo xusay inuu shilkan dhacay aroornimadii hore ee shalay oo Sabti ahayd.

“Gaariga waxaa ku rarnaa lix jaakadaha qaraxyada qarxa ah iyo qalab kale oo laga sameeyo bambooyinka oo 100-kg ahaa,” ayuu Ongeri la hadlayay warbaahinta Kenya Axadda maanta ah.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu intaas ku daray in kooxaha gaarigaas watay ay isku dayayeen inay gaariga iyo waxyaabaha ku raran kasoo tallaabiyaan deegaanka Mooyaale, kuwaasoo ka yimid sida uu sheegay Dooloow.

"Kooxda gaariga watay oo Al-shabaab ahaa waxay rasaas ku fureen askarta amniga, taasoo keentay in ciidamadu ay ku jawaabaan rasaas ayna goobta ku dilaan shan qof oo gaariga saarnaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Ongeri.

Bogita ayaa xusay in kooxahan ay kasoo talaabeen dhinaca degmada Balad-xaawo, ayna isku dayayeen inay Kenya soo galaan; balse ciidamada amniga oo kaashanaya rag sirdoon ah oo la sheegaya ayaa ka hortagay.

Xeel-dheerayaal ka hadlay arrintan ayaa sheegay in haddii uu hubkan soo geli lahaa Kenya uu sababi lahaa dhibaatooyin badan, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhimashada iyyo dhaawaca dad aad u fara badan.

Ma cadda halka ay kooxdani qorsheynayeen inay weeraraan, laakiinse dhowr jeer oo hore ayay Al-shabaab ku hanjabtay inay Kenya oo ciidammo ay kaga sugan yihiin Soomaaliya ka geysan doono weerarro argagixiso.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo toddobad ka hor ay Kenya sheegtay inay duqeyn cirka ah ku dishay 60 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo joogay meel ku dhow deegaanka Buulo-gaduud oo ku taalla duleedka Kismaayo.

Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya weli kama aysan jawaabin warbixinta ay baahisay Kenya ee ah inay dileen shan xubnood oo kooxdan ka tirsan oo watay gaari ay waxyaabaha qarxa ku raran yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya