4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 19, 2014
Dhismaha Maamulka Saddexda Gobol oo Weli Socda iyo Bannaanbax Dhacay


Axad, Oktoobar 19, 2014 (HOL) — Dhismaha sameynta maamulka saddexda gobol ee Koonfur-galbeed ayaa weli ka socda Baydhabo, iyadoo ay haatan lagu mashquulsan yahay sameynta guddigii ansixin lahaa dastuurka lagu maamuli doono gobollada Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool oo uu ka talin doono maamulkan.

Shirka lagu dhisayo maamulkan ayaa waxaa kasoo horjeeda maamulkii kal hore laga dhisay Baydhabo ee lixda gobol ka kooban, iyadoo maanta ay ka sameeyeen taageerayasha maamulka Madoobe Nuunoow bannaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan dhismaha maamulka saddexda gobol.

Bannaabaxayaasha ayaa socod ku maray qaybo ka mid ah jidadka degmada Baydhabo, kuwaasoo watay boorar ay ku qoran yihiin erayo ay maamulkan la dhisayo ay kaga soo horjeedaan. Iyadoo ugu dambeyn ay la hadleen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka lixda gobol ka kooban.

Dhanka kale, Baydhabo waxaa soo gaaray ergooyin fara badan kuwaasoo doonaya inay qayb ka qaataan dhismaha maamulka saddexda gobol ee ka socda Baydhabo; iyadoo ay jirto xiisad siyaasadeed oo degmada ka jirta.

Waxaa la filayaa inay magaalada soo gaaraan mas’uuliyiinta dowladda sida guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiyahii hore ee baarlamaanka ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hiiraan Online, Baydhabo