4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 19, 2014
Taliye ku Xigeenka Ciidamada Jabuuti oo ka Hadlay Bannaanbixii Baladweyne

Axad, Oktoobar 19, 2014 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM, Col. Ibraahim Cali Faarax ayaa ka hadlay dibadbaxyo rabshado wata oo maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, kaasoo looga horjeeday ciidamada Jabuuti ee gobolkaas ku sugan.

Wareysi uu siiyay Col. Ibraahim Cali oo VOA-da ayuu ku sheegay inay ka dhaceen gobolka Hiiraan rabashado ay sameeyeen dad uu sheegay in warar aan sax ahayn loo sheegay, ayna is-hortaag ku sameeyeen ciidan howlgal ku jiray oo ka mid ah kuwa Jabuuti.a

“Dad aan maleynayo in warar khaldan loo sheegay ayaa maanta waxay ku hor-gubeen shaagagga baabuurta ciidan ka tirsan AMISOM oo howlgallo ka waday deegaanka Ceel-gaal oo masaafo yar u jira Baladweyne,” ayuu yiri Col. Ibraahim.

Sidoo kale, taliye ku xigeenka oo la weydiiyay wuxuu u maleynayo inay sabab u tahay inay shacabkan gaadiidkooda taayarro ku hor-gubaan ayaa ku jawaabay. “Tani waa nasiib-darro, mar walba oo wax la qabto waxaana jira dad badan oo fidnayaal wada oo kasoo horjeeda oo hadallo been ah tuur-tuuraya. Waxaa jiray maalmahan in la faafinayay in ciidamada Jabuuti ay rasaas ayay reerkaas siinayaan iyo wax la mid ah, waxaana qabaa in dadku ay yihiin masaakiin, balse ay ku daba-jiraan dad kale oo nabadda diiddan.”

Col. Ibraahim ayaa sidoo kale sheegay inay nasiib-darro weyn tahay inay ku jirto Somalia 25-sano ku jirto dagaal aan waji lahayn oo aan dhinacna u socon. Wuxuuna xusay inay jiraan dad markii ay wax soo dhawaadaaba dab ka shidaya dhinac kale oo dadka masaakiinta ah wareejinaya.

Mar la weydiiyay taliye ku xigeenka su’aal ahayd halka ay ciidamadoodu u socdeen markii taayirrada lagu hor-gubayay ayaa wuxuu ku jawaabay. “Innagoo ka fikirayna sidii aan wax uga qaban lahayn colaadaha gobolka ka jira ayay ciidamadu roondo sameynayeen, kamana fogeyn garoonka oo ay saldhig ku leeyihiin.”

Taliye ku xigeenka oo mar kale la weydiiyay beelaha halkaas dagaalamaya ee ay doonayeen inay kala dhex-galaan kuwa ay yihiin, ayaa sheegay inay ku dagaalamayeen laba beelood, balse ma sheegin magacyadooda, isagoo ku daray intaas inaysan jirin cid ay si gaar ah ciidamadooda ula safan yihiin, ayna u yimaadeen dalka sidii ay u caawin lahaayeen walaalahood. Wuxuuna intaa ku daray inay jiraan dad fidno wadayaal ah oo dadka wax u sheegaya.

Su’aal kale oo ahayd; maxaad ku qancinaysaan haddii dadkii gobolka ee aad u soo gur-mateen ay shaki intaas le’eg idinka qaadeen? Isagoo ku jawaabay. “Howsha aan qabanayno ha arkaan… inaan dhiiggeenna u daadinayno sidii ay nabad ku heli lahaayeen ha arkaan… waxaanan u gurmannay dad ku nool meel 120-km u jirta Baladweyne oo walaalahood go’doomiyeen si aan cunno u siinno oo aan dhiiggeenna u daadinnay… marka howsha aan qabanayno in wax lagu qiimeeyo ayaa la doonayaa.”

Waxaa kaloo la weydiiyay Col. Ibraahim Cali howlgallada dhexdhexaadinta ah ee ay wadaan inay kala taashadeen maamulka gobolka iyo in kale si uu shakigu u yaraado, ayuu ku jawaabay. “Maamulku saaka way nala joogeen, wada-shaqeyn wanaagsan ayaana naga dhexeysa… sidoo kale ciidammo ka socda dalka Itoobiya ayaa jooga… howsheennuna waa sidii aan walaalaha u caawin lahayn, kolba halka ay howshu marayso dowladda Somalia waan la socodsiinnaa.”

Ugu dmbeyn, taliye ku xigeenka ciidamada Jabuuti ee Baladweyne oo wax laga weydiiyay in dagaalka beelaha u dhexeeya ee la doonayo in la joojiyo uu joogsaday iyo in kale, isagoo ku jawaabay in muddo saddex maalmood ah uusan dagaal dhicin, balse ay is-horfadhiyaan lana filan karo mar walba waa la filan karaa inuu dagaal dhaco.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya