4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 19, 2014
Suxufiyiinta xiran oo Maxkamad lasoo geynayo & Suxuufiyiin ka hadlay Xariga


Axad, Oktoobar 19, 2014 (HOL) — Suxuifiyiin ka tirsan idaacadaha SKY FM iyo Shabelle oo bishii August ee sannadkan ay xabsiga u taxaabeen ciidamada nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Talaadada soo socota la hor-geeyo maxkamadda gobolka Banaadir, iyadoo suxufiyiin kulan ku yeeshay maanta Muqdisho ay kaga hadleen xarigooda.

Wariyeyashan xiran oo isugu jira milkiilihii Shabelle iyo SKY FM iyo sidoo kale wariyeyaal ka tirsanaa idaacaddan ayaa muddo saddex bilood ku dhow ku xiran xabsiga nabadsugidda gobolka Banaadir; iyadoo aan la horgeyn wax maxkamad ah.

Sidoo kale, suxufiyiinta kulanka ku yeeshay Muqdisho ayaa madaxda dowladda Somalia iyo hay’adaha ammaanka ka dalbaday in wariyeyaashan inay cadaalad helaan, iyagoo dalbaday in si shuruud la’aan ah xayiraadda looga qaado idaacadaha Shabeelle iyo SKY FM.

“Madaxda dalka iyo hay’adaha amniga waxaan ka codsanaynaa in cadaaladii loo laabto, cadaalad sax ahna ay helaan wariyeyaasha xiran, dibna loogu soo celiyo qalabkii idaacadaha Shabeelle iyo SKY FM,” ayuu yiri Maxamed Muuse Maxamed oo ah agaasimaha idaacadda Shabeelle.

Xukuumadda Somalia ayaa horay ugu eedeysay wariyeyaashan xiran iyo labada idaacadood ee ay ka howlgeli jireen inay faafinayeen warar shacabka lagu kicinayo, ayna tahay taas midda keentay in la xiro iyaga iyo idaacadaha lana horkeeni doono maxkamad.

“Anigoo ku hadlaya magaca saxafiyiinta Soomaaliyeed waxaan maxkamadda gobolka Banaadir ka codsanaynaa inay si shuruud la’aan ah ku sii dayso idaacadda Shabeelle iyo SKY FM. Wariyeyaasha xiranna ay helaan cadaalad ku filan,” ayuu yiri xoghayaha guud ee ururka NUSOJ, Maxamed Ibraahim Bakistaan oo kulankii maanta ee suxufiyiintu ku yeesheen Muqdisho hadal ka jeediyay.

Wariyeyaasha xiran ayaa waxaa ka mid ah; Maxamed Bashiir Xaashi oo ka mid ahaa wariyeyaasha idaacadda Shabelle, Maxamuud Carab oo isana ka mid ah wariyeyaashii SYK FM iyo milkiilihii Shabeelle, C/maalik Yuusuf.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya