4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 19, 2014
Ururada Bulshada Rayidka oo ka dooday qorshe howleedka sanadka soo socda


Axad, Oktoobar 19, 2014 (HOL) — Ururrada bulshada rayidka ayaa dood-cilmiyeed loogu qabtay Muqdisho, kaasoo looga hadlayay qorshaha sanadka soo socda, sidii shacabka loo horumarin lahaa, loogana hortagi lahaa fikiradaha qaldan ee lagu marin habaabiyo dhallin-yarada.

Dood-cilmiyeedkan oo ay soo qaban-qaabisay hay'ada CCD ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee hay'adaas ku leedahay magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb-galay ururrada haweenka, culumaa'uddiinka, odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada, waxaana lagu lafa-guray waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshe howleedka sanadka soo socda.

Guddoomiyaha hay'adda wadahadalka bulshada, Ciise Axmed Cumar ayaa ugu horreyn faahfaahin ka bixiyay dood-cilmiyeedkan, isagoo ku amaanay ururada bulshada rayidka dadaalka dheer ee ay u soo galeen badbaadinta ummadda.

“Sida la socotaan shirkeenna maanta wuxuu ku saabsan yahay waxyaabihii noo qabsoomay sannadkan dhamaadka ah iyo waxaan rabno inaan qabano sannadka soo socda, run ahaantii waa ku faraxsanahay dadaalka dheer aad sameyseen, ummaddan wax badan ayaa u qabateen siminnaaro badan lagu dhiirri-gelinayo dhallinyarada, bulshada, haweenka, dhaqanka iyo culummada," ayuu yiri Ciise Axmed Cumar.

Ciise ayaa sheegay in bulshada rayidka la'aantood uu dalka ku jiri lahaa dhib badan, hase ahaatee maanta lagu dhow yahay horumar. "Sida la socotaan waxaa kusoo shaqeynay marxalad adag, iyadoo Al-shabaab dalka joogo oo dadka la dilaya, maanta waxaa maraynaa heer dadka aan ku dhiirri-gelin karno in codkooda si xor ah u dhiibtaan iyadoo cabsi ku jirin, in shacabka aad dhiirri-geliseen; waxaa maraynaa in maanta shabaab dalka laga saaray, dadaalkiina halkuu yahay, inaan soo saarno qorshe howleed aan ku shaqeyn karno sanadka soo socda waa shaqeynay horumar baa sameynay dowladda garab-istaagnay sannadka waxyaabo badan noo qabsoomay, maxaa na hor taagan inaan is weydiino.”

Guddoomiye Ciise ayaa xusay in dhalinyarada ay u sameeyeen barnaamijyo siminaaro iyo wacyi gelin, si aqoontooda sare loogu qaado, isla markaana dhalinyarada ay ahaayeen dhibka ugu weyn ee ku dhacayay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii dhalinyarada la marin hababaiyay loo wacyi gelin lahaa, isla markaana loo sameeyo dhalinyarada qorshe lagu hormarinayo.

"Dhalinyarada maanta waxaa ku dhacay dhibka ugu badan ee dalka ka jira, waxaa loo baahan yahay in la jiheeyo, qorshe loo sameeyo, mar walba Shabaab anaga nagu maqan yahay, anagana waxaa rabnaa inaan iska difaacno fikradaha qaldan ee dhalinyaradada lagu marin habaabinayo, inaan bad baadino dhalinyaradeena,

Sidoo kale, Ciise ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ogaado meesha laga yimaado, meesha hada la joogo iyo halka loo socdo, waxaana uu tilmaamay in la gaaro yoolka la hiigsanayo.

Afhayeenka Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh C/qaadir Soomow ayaa sheegay in dowlad la'aanta dalka ka jirtay mudadii 20-ka sano ay keentay in dalka la keeni fikir lagu baabi'inayo Soomaaliya, inta waxgalka ahna lagu leynayo, si dalka loo mugdi loo geliyo.

Gudoomiye kuxigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi ayaa sheegtay in is hor-taag lagu sameyn karo fikirka qaldan, isla markaana dhibka ugu badan uu ku dhacay bulshada qeybaheeda kala duwan.

"Waxaa nagula dagaalamayo waa islaamnimadeena, midnimadeena, inaan maanta il ku eegno fikirka qaldan ee lagu marin habaabinayo dhalinyaradeena"ayay tiri Canab Xasan Cilmi

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in haweenka ay ka qeyb qaataan wacyi gelinta bulshada, isla markaana ay dadaal badan geliyeen sidii dhalinyarada ka soo goosata Al-Shabaab loo wacyi gelin lahaa.

 Sidoo kale, Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka Muxiyadiin Xasan Afrax ayaa sheegay inay sameynayaan abaabulo ay bulshada ku kicinayaan, si loola shaqeeyo ciidamada, deegaanada laga saaray Shabaab laga sameeyo wacyi gelin.

Ugu dambeyn xubnihii ururada bulshada rayidka iyo Mas'uuliyiinta Hey'adda wada hadalka bulshada ayaa falan qeeyay sida kaliya ee lagu horumarin karo bulshada, aqoontoodana sare loogu qaadi karo, si mustaqbalka soo socda ay u gaaraan hadaf mideysan, dalkana ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya