4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 19, 2014
Askari ka tirsan ciidanka Galmudug oo Maanta lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Axad, Oktoobar 19, 2014 (HOL) — Askari ka tirsanaa ciidamada amniga maamulka Gal-Mudug ayaa lagu dilay magaada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug habeen hore ,iyadoo dhagar-qabihii dilka fuliyay uu goobta ka baxsaday sida ay ku waramayaan dad goob-joogayaal ah.

Waxaa askarigan la dilay lagu magacaabi jiray Axmed Jawaabi ,waxaana la sheegay in uu macruuf ka ahaa Koonfurta Gaalkacyo ,iyadoo xubno ka tirsan qoyskiisa ay maamulka ka dalbadeen in gacanta lagu soo dhigo ruuxii dilkiisa fuliyay.

“Ciidamadu waxa ay ku raad-joogan soo qabashada gacan ku dhiiglaha,“ ayuu yiri Col.Hassan Guure oo la hadlay warbaahinta gudaha, mana uusan xusin cidda lala xiriirinayo dilkan loo guustay Jaawbi.

Waxaa isa soo taraya wararka la xiriira in Al-shabaab ay ku lug-yeelan karaan dilkan oo ahaa kii ugu horeyay oo ka dhaca Gal-Mudug muddo asbuucyo ah ,waxaana aad loo adkeeyay amniga magaalada ee dhinaca Koonfurta.

Ugu dambeyn, maamulka Gal-Mudug ayaa ka dalbaday shacabka in ay ku soo war-galiyaan cidda walba oo  ay ka shakiyeen saacado ka dib markii uu dilkan dhacay ,waxaana howl-gallo ay sameyeen lagu xir-xiray dhowr dhalinayaro ah habeenimadii xalay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]