4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 19, 2014
Bannaanbax weyn oo ka soconaya Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan


Axad, Oktoobar 19, 2014 (HOL) — Bannaanbixii ugu weynaa ee dhawaanahan ka dhaca magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta ka dhacay degmadaas, dibadbaxan oo looga soo horjeedo ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Shacabka degmada Baladweyne ee dibadbaxa ka qaybgalaya ayaa waxay ku eedeeyeen ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM inay mas’uul ka yihiin dagaallada Deefoow oo dhow jeer soo laalaabtay, waxayna bannaanbaxayaashu sheegeen ay sidoo kale ciidamada Jabuuti weerareen deegaanka Ceel-gaal ayna dhaawacyo ka geysteen.

“Ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan waa inay ka baxaan, waayo weerar ayay ku qaadeen saaka deegaanka Ceel-gaal, waxayna laba qof dhaawac ugu geysteen deegaankaas. Sidoo kale laba gabdhood oo dibadbaxayaasha ka mid ah ayay ku dhaawaceen deegaanka Janta-kuun-dishe oo saldhig ay ku leeyihiin, marka dhibaato ayay gobolka ka wadaan ee sidaa awgeed waa inay ka baxaan ciidamada Jabuuti gobolka Hiiraan,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo warbaahinta la hadlay.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo taliska ciidamada AMISOM ee ay Jabuuti ka tirsan yihiin weli kama hadlin arrintan, iyadoo dibadbaxyadan ay sababeen in magaalada oo dhan ay kala xiranto, sidoo kalena ay istaagaan ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Wariyaha HOL ee Baladweyne ayaa soo sheegaya in dibadbaxayaashu ay ku soo beegmeen xilli ay roobab xooggan ka da’ayaan magaalada Balaweyne, wuxuuna bannaanbaxan ku tilmaamay midkii ugu weynaa ee bilihii la soo dhaafay ka dhacay Baladweyne.

“Bannaabaxu wuxuu xayiray ganacsiga, isku socodka dadka iyo gaadiidka, sidoo kalena waxaa go’an korontadii magaalada. Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay magaalada kuwaasoo dibadbaxa ka qaybgalaya,” ayuu yiri C/raxmaan Diini oo HOL uga soo warrama gobolka Hiiraan.

Wixii kasoo kordha dibadbaxan waxaad kula socon doontaa wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya