4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 19, 2014
C/llaahi Goodax oo Hogaaminayay kormeerayaashii Doorashadii Mozambique


Axad, Oktoobar 19, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa ka mid ahaa xubnaha kormeerayay doorashada madaxnimo ee dalka Mozambique oo 15-kii bishan aynu ku jirno ee Oktoobar.

Mudane Goodax iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga ayaa si wadajir ah u hoggaaminayeen guddiga kormeerka doorashada oo ka socday dalal ka mid ah kuwa Qaaradda Afrika,.

Intii lagu jiray howsha kormeerka doorashada ayuu Goodax wuxuu la kula kulmay xarunta ee Maputo guddiga doorashada, madaxa maxkamadda sare ee Mozambique iyo madaxweynaha haatan talada haya, Filip Nyusi.

Waddanka Mozambique oo ka mid ah kuwii ay dagaallada sokeeye jilbaha dhulka u dhigeen ayaa doorashadan waxay u noqonaysaa tii shanaad oo ka dhaca dalkaas, iyadoo dadweyne fara badan ay ka qaybqaateen.

Doorashadan uu wasiirka arrimaha gudaha ee Somalia ka qayb noqday kormeerayaasheeda waxay imaanaysaa iyadoo lagu wado in sanad kaddib ay Soomaaliya ka dhacdo doorashadii ugu horreysay muddo ka badan 40-sano, taasoo la rajeynayo in lagu doorto madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale xildhibaannada golaha baarlamaanka.

Natiijada doorashada Mozambique ayaa lagu wadaa inay dahwaan soo baxdo iyadoo ay doorashadan ka qaybgaleen dad lagu qiyaasay 10-milayn oo ruux oo ka mid ah shacabka dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya