4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 19, 2014
Xukuumadaha Soomaaliya iyo Burundi oo heshiis ku kala saxiixday Bujumbura

Axad, Oktoobar 19, 2014 (HOL) — Dowladaha Somalia iyo Burundi ayaa kala saxiixday heshiis ka kooban shan qodob oo qayb uu ka yahay iskaashi dhinaca ammaanka ah, kaddib markii ay dalkaas booqdeen wafdi uu hor-kacayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed.

Heshiiskan oo lagu saxiixay magaalada Bujumbura ayaa waxaa qodobbadiisa ka mid ah:

1. In dib u eegis lagu sameeyo xiritaanka safaaradda Somalia ee Bujumbura, isla markaana si taxadar leh loo hubiyo ujeeddada xirtaanka safaaradaas.

2. In dib loosoo nooleeyo heshiis dhexmaray dowlaha Somalia iyo Burundi bishii May ee sannadkii 2012-kii, kaasoo ku dhisan saaxiibnimada dheer ee labada dalka ka dhaxeysa, gaar ahaan ee dhinacyada amniga, maamulka, adeegga dowladda, ganacsiga iyo adkeynta xiriirka labada dal.

3. In labada waddan ay si muuqata u wadaagaan arrinta la xiriirka eedeynta loo jeediyay ciidamada AMISOM ee dhanka kufsiga kana timid hay’adda HRW, isla markaana guddi ka kooban wasiirro iyo khubaro labada dal ah ay baaraan ku sameeyaan falkaas, si tallaabo adag looga qaado cid walba oo lagu helo inay ku lug leedahay.

4. In la sameeyo iskaashi dhanka warshadaha ah oo dhexmara Somalia iyo Burundi.

5. In wasiirrada gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda ay ka shaqeeyaan fulinta heshiiskan, isla markaana ay soo bandhigaan qorshahooda.

Dhanka Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Burci Maxamed Xamsa, halka dalka Burundi uu u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa ku ammaanay dowladda Burundi hanaanka dimuqraadiga ah ee ay ku tallaabsatay iyo sida ay amniga dalkeeda uga shaqeysay, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay kala shaqeeyaan Soomaaliya dhismaha ciidamada.

Ugu dambeyn, madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa uga mahadceliyey ra’iisul wasaaraha Somalia iyo wefdigiisa booqashada ay ku yimaadeen Burundi, wuxuuna ballan-qaaday inay Somalia booqasho ku imaan doonaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya