4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 18, 2014
Kooxo hubeysan oo sarkaal ka tirsan Booliiska Kenya ku dilay gudaha dalkaas

Sabti, Oktoobar 18, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay deegaan ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ku dilay sarkaal ka tirsanaa booliiska Kenya, iyadoo kooxaha dilka geystay ay markiiba baxsadeen.

Maxamed Yaroow oo ah sarkaalka la dilay ayaa ka tirsanaa CID-da booliiska dalka Kenya, iyadoo saraakiil kale oo booliiska dalka Kenya ka tirsan ay warbaahinta u xaqiijiyeen saaka oo Sabti ahayd in sarkaalka lagu toogtay deegaanka Libooyo.

“Dabley hubeysan ayaa sarkaalka dhowr xabbadood la dhacay isagoo socda, markiibana way baxsadeen. Tiradooda ma sheegi karo, balse weli haybtooda ma haynno,” ayuu yiri Muuse Yego oo ka tirsan saraakiisha booliiska Kenya.

Yego ayaa intaas ku daray. “Weli lama oga halka ay aadeen dableydii dilkan geystaay, laakiin waxay ahaayeen kuwo si wanaagsan u garanaya Yaroow, waxayna toogteen kaddib markii uu kasoo baxay masjid uu salaaddii cishaha kusoo tukaday.”

Libooyo waa deegaan yar oo ku yaalla dalka Kenya, halkaasoo ay inta badan maraan ganacsiyada isaga goosha Kenya iyo Somalia, waxayna qiyaastii 18-km u jirtaa soohdinta ay labada waddan wadaagaan.

Sidoo kale, Muuse Yego ayaa sheegay in sarkaalka la dilay uu labadii sano ee ugu dambeysay ka shaqeynayay deegaanka Libooyo, lamana oga in loo soo diray hanjabaado hore iyo in kale.

“Ciidammo badan oo kuwa amniga ah ayaan geynay soohdinta labada dal u dhexeysa, waxaana qorsheynaynaa inaan soo qabanno kooxihii dilka fuliyay si sharciga loo horkeeno,” ayuu hadalkiisa raacsaday Yego.

Magaalada Gaarisa oo ah xarunta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya oo ay Libooyo ka tirsan tahay ayaa waxaa sannadihii ugu dambeeyay ay ahayd goob lagu bartilmaameedsado saraakiisha xukuumadda Kenya, iyadoo lagu dilay gudaha degmadaas dhowr ka mid ah ciidamada Kenya.

Kenya ayaa waxay ahayd tan iyo sannadkii 2011 markaasoo ay kumannaan askartooda ka mid ah ay kasoo tallaabiyeen xadka ay Somalia la wadaagaan si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, meel bartilmaameed weyn u ahayd Al-shabaab iyo kooxaha xiriirka la leh ee ku sugan  gudaha dalkaas.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay dilka sarkaalkan ka tirsanaa booliiska dalka Kenya, waxaana sarkaalkan uu kasoo jeeday Soomaalida degta gobolka Waqooyi-bari-Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya