4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 18, 2014
Maayarka Hargeysa oo u Jawaabay Xildhibaan ka Tirsan Golaha Deegaanka


Sabti, Oktoobar 18, 2014 (HOL) — Maayarka Hargeysa, C/raxmaan Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in xildhibaano tiro yar oo ka tirsan golaha deegaanka ay ku soo shireen inay buuq iyo qaylo ku dhex abuuraan kalfadhiga 8aad ee golaha Deegaanka Hargeysa.

Sidoo kale, Maayarku wuxuu nasiib-darro ku tilmaamay in qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee ka soo horjeedaa ay garan waayaan in lacagtii kabta ee dawlada dhexe ay siin jirtay dawladaha hoose  ay ku baxday Diiwaangelinta Madaniga ah oo ah hawl qaran oo umadda oo dhan u taallaa.

Sidaasna waxa uu maanta ka sheegay markii uu soo xidhay kalfadhigii 8aad ee golahoodda, taas oo uu ka dhashay buuq iyo saxan, kuwaas oo xildhibaano ka soo horjeedda eedeen usoo jeediyeen.

“Waa Nasiibdaro qofku inuu garan waayo waxa uu ka hadlayo, miisaaniyadayadu waxa ay ku salaysnayd korodhka miisaaniyadii 2013 iyo 2014 oo farqiga u dhexeeyey yahay korodhka aanu miisaaniyada kordhinay bishii 9aad ayuunbuu xisaab hayaa isagoo guddida dhaqaalaha ka mid ah hadana inuu beenta intaa leeg ka sheego xildhibaanku isagay u taalaa.Waxa uu yidhi waxa soo baxay macal kabkii, waxaanad wada ogtihiin in kabkii lagu galay diiwaangalinta oo arin qaran ahayd, waxa kale oo uu ka hadlay mashaariicdii 5% lama qaban taa anigu waxa aan markhaati uga dhiganayaa shacabka iyo warbaahinta, wadadaa dhexe ee ka soo bilaabanta Halaya ee ku joogta Buurta-kala Jeexan ee dawladda dhexe iyo dawladda hoose iska kaashadeen anagoo madaxweynaha uga mahad celinayaa hawshaasi uu nala galay”ayuu Maayar Soltelko iskaga difaacay eeddihii ay usoo jeediyeen xidhibaanaddu.

Maayarka oo xildhibaano ku eedeeyey inay wataan buuqa iyo sawaxan soo baxay, waxaanu yidhi “qof kursigani uu u muuqdo waa uu doono ayuu ku hadlayaa, waxaan leeyahay illaahay ayaa bixiya masuuliyada iyo maamulka, qofku inuu dhaleeceeyo cid maaha, aniga iyo Cismaan Waxar way na kala taqaanaa ummadu kaayaga musuqmaasuq lagu eedayn karo ee kiisas ka yaalaan dawlada Hoose ee todoba Maayir halkan ka eryeen isaga oo shaqaale ah waa la yaqaanaa”.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.