4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 18, 2014
UNHCR oo sheegtay in Somali badan ay sanadkan ku dhinteen xeebaha Yemen


Sabti, Oktoobar 18, 2014 (HOL) — Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa war-bixin ay soo saartay ku sheegtay in sannadkan 2014-ka ay Somali badan ku geeriyoodeen xeebaha dalka Yemen, kuwaasoo isku dayayay inay ka tallaabaan badda cas.

Warbixinta hay’adda ayaa lagu sheegay in dhacdadii ugu dambeysay ee ay tahriibayaal Soomaaliyeed ku geeriyoodeen ay dhacday bishii horraanteedii, iyadoo sheegtay inay geeriyoodeen 64-qof oo rag iyo dumar isugu jiray iyo saddex ka mid ah shaqaalihii doonnida waday.

Sidoo kale, hay'adda UNHCR waxay sheegtay in shil dhacay bishii Juun ee sannadkan ay ku dhinteen 62-qof halka bishii Maarso ay geeryoodeen 44-qof, bishii la soo dhaafay ee Abriil ay iyadana geeriyoodeen 12-qof; waxayna tirada guud ee dadka ku dhintay xeebaha Yemen sannadkan oo keliya ay ku sheegtay in ay gaarayaan 215-qof. Kuwaasoo ka badan dadkii ku dhintay xeebaha Badda Cas sannadihii – 2011-kii, 2012-kii iyo 2013-kii ay gaarayaan 179-qof.

Muhaajiriin badan oo magan-galyo-doon ah ayaa dhintay kuwaa isku dayaya inay galaan dalka Yemen iyo dalal kale ee Yurub, kuwaasoo intooda badan ka tagay dalalka Geeska Afrika ku yaalla oo ay Soomaaliya ku jirto.

Dhinaca kale, Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen ayaa lasoo sheegayaa inay lasoo darseen xaaladdo kala duwan oo ka dhashay amni-darro ka jirta Yemen iyo xilliyada qaar oo ay saameyn ku yeeshaan colaadda xukuumadda dalkaas iyo kooxaha hubeysan u dhexeysa.

Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen ayaa la sheegay inay 700-qof gaarayso tiradooda, kuwaasoo iska diiwaan-geliyay safaaradda Somalia ay ku leedahay Yaman, iyadoo mas’uuliyiinta safaaraddu ay sheegeen inay u yihiin dadkaas in dib loogu celiyo Soomaaliya.

Qunsulka safaaradda Somalia ee Yemen, Axmed Sudaani ayaa sheegay in muddooyinkii lasoo dhaafay ay soo bateen dadka doonaya inay dalkoodii dib ugu laabtaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya