4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 18, 2014
Gaadiid canshuuro awgood ugu xayiran koontaroolada laga soo galo Muqdisho


Sabti, Oktoobar 18, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiint ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta kormeer ku tagay koontaroolkii hore ee Afgooye iyo deegaanka Galgalato ee duleedka Muqdisho, halkaaso ay ku xiran yihiin gaadiid ka yimid gobollada dalka qaarkood.

Gaadiidka ku xayiran koontaroolladan ayaa sida xoolo iyo qudaar, iyadoo ay sheegeen darawallada iyo ganacstadii ay u rarnaayeen gaadiidka inay mudo ku xayirnaayeen koon-taroollada; waxayna sheegeen in sababta loo xayiray ay tahay canshuuro xad-dhaaf ah oo laga doonayo.

Sidoo kale, ganacsatadan ayaa waxay sheegeen in wasaaradda maaliyadda lacagta ay kusoo rogtay lacago fara badan oo aysan dhiibi karin, inkastoo aysan sheegin cadadka lacagaha lagu qasbay inay dhiibaan.

“Innagu ma bixin karno lacaga ay wasaaradda maaliyaddu naga doonayso, sidaas awgeed, waxaan go’aansannay inaan halkan iska dhigno gaariga iyo ganacsiga uu wado,” ayay warbaahinta u sheegeen gaadiidleyda.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Cali Seeko aya isguna u sheegay warbaahinta inay ka xun yihiin dhibka lagu hayo ganacsatada iyo gadiidleyda, isagoo madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay soo fara galiyaan arrintan oo ay kala caddeeyaan cidda xaqa u leh inay qaaddo canshuurta.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Nuur (Muun-gaab) uu sheegay inay ka qaaddo wasaaradda maaliyadda lacago sharci-darro ah gaadiidka soo galaya iyo kuwa ka baxaya Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa arrintaas ku sheegay inay tahay mid aan waafaqsnayn sharciga dalka, sidoo kalena maamulka gobolka Banaadir uusan qaadi karin canshuuraha gaadiidka gobolka Banaadir, isagoo xaq-darro ku tilmaamay arrinaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya