4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 18, 2014
Kulan lagu Taageeray Heshiiskii ka dhacay Garoowe oo Buuhoodle lagu Qabtay‏

Sabti, Oktoobar 18, 2014 (HOL) — Qaar ka mid ah wax-garadka iyo cuqaasha deegaanka Buuhoodle ayaa si weyn u soo dhaweeyey heshiiskii ay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland, kaasoo dhawaan lagu saxiixay magaalada Garoowe.

Shir ay ka qayb-galeen dadka ku dhaqan magaalada Buuhoodle ee taageera maamulka Puntland ayaa ka hadlay sida loogu baahan yahay in la xoojiyo is-fahamka maamulka Puntland iyo dowladda Soomaaliya dhexe.

Caaqil C/llaahi Xasan Qambi oo ka mid ah dadka aadka looga xushmeeyo degmada kana hadlay kulanka ayaa sheegay in heshiiskaasi yahay mid u muuqda soo celinta cadaaladda iyo ilaalinta dastuurka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa iyana hadlay qaybihii kala duwanaa ee bulshadii kulanka ka qaybgalay oo ay ka mid ahaayeen uruka haweenka dhallinyarada iyo waxgarad kale, kuwaasoo taageeray shirka Garoowe.

Waxay kaloo xubnaha goobta ka hadlay dalbadeen in kurisigii ay dhawaan ka geeriyooday marxuumad Saado Cali Warsame ee baarlamaanka Somalia oo uu muran ka taagan yahay loo daayo in loo dhaariyo Xaaji Kafee.

Kursiga baarlamaanka federaalka ah ay ka geeriyootay marxuumad Saado oo Muqdisho lagu dilay ayaa xiliyadii u dambeeyay waxaa ku muransanaa maamullada Khaatumo iyo Puntland, iyadoo labaduba ay u qoreen laba qof oo kala taageersan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool