4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 18, 2014
Itoobiya oo sheegtay in aysan khatar Ammaan ka jirin Magaalada Addis Ababa

Sabti, Oktoobar 18, 2014 (HOL) — Wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay lagu sheegay in ammaanka dalka la adkeeyay, isla markaana aysan suurtagal-ahayn weerraro ay ka fuliyaan kooxaha argagaxisda ah balse ka dalbatay muwaadiniinteda inay fiijignaan dheeri ah muujiyaan.

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa asbuucii la soo dhaafay soo saartay digniin ku aadan suurtagalnimada ay Al-shabaab ku beegsan karaan goobaha ugu shacbiyadda badan ee Addis Ababa sida Hoteellada iyo meelaha kale ee laga adeegto.

“Waxaan jecelnahay in aan u cadaynno wadamada aan xiriirka wadaagno in aan qaadeynno tallaabo kasta oo looga hortagayo in Al-shabaab ay amniga dhibaateeyaan ,waliba Addis Ababa  oo kaliya maahan ee waa dalka oo dhan,“ ayuu yiri Taye Atske Selassie oo u hadlay wasaarada arimaha dibadda Itoobiya.

Digniinta ka soo baxday safaaradda Maraykanka ayaa si cad u xustay in kooxda Al-shabaab ay si gaar ah u beegsan karaan degmada Boole oo ah halka ay ku nool-yihiin boqolaal Soomaali ah oo dano kala duwan u jooga dalkaas.

Ugu danbaytii Maraykanka ayaa ugu baaqay muwaadiniintiisa inay ka fogaadaan  goobaha qaar ee ku yaalla Addis Ababa,waxaana sii kordhaysa cabsida laga qabo in kooxdaas ay soo qaaddo weerraro argoosi ah, maadaama Itoobiya ay ka tirsan-tahay howl-galka AMISOM.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]