4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 18, 2014
Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in la billaabayo Sahminta Shidaalka Dalka

Sabti, Oktoobar 18, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay doonayso in shirkadaha shidaalka baara ay dib u billaabaan baaritaanka shidaalka iyo macdanta dhex-ceegaaga Soomaaliya.

Wasiirka macdanta iyo shidaalka Somalia, Daa’uud Maxamed Cumar ayaa sheegay in dowladdu ay sameysay qorshe cusub oo ku wajahan nidaamka sahminta shidaalka iyo gaaska, si loosoo jiito maal-geliyeyaasha shisheeye, maadaama Somalia ay kadib dhacday dalalka Kenya, Tanzania iyo Uganda marka la eego sahminta shidaalka iyo macdanta.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay inaysan tani muujinayn oo keliya sida ay dowladda Somalia uga go’an tahay dib-u-howlgelinta warshadaha shidaalka iyo gaaska, balse ay sidoo kale tilmaameyso in meesha laga saaray halista dhinaca amniga ee ay Soomaaliya mudada dheer kusoo jirtay.

Wuxuu wasiirku hadalkiisa ku daray in shirkadda SHELL iyo kuwa kale horay loo siiyay qandaraasyada sahminta shidaalka iyo gaaska badda iyo berriga Soomaaliya, ka hor inta aysan burburin dowladdii dhexe 1991-kii.

Daa’ud wuxuu sidoo kale xusay in shirkadaha sahminta sameynaya ay tahay inay yimaadaan dalka, isagoo tilmaamay in wadahadal dhexmara labada dhinac uu horseedi karo in dhaqaalaha Somalia uu mustaqbalka horumar weyn sameeyo.

Kenya, Tanzania, Uganda iyo Mozambique ayaa sahmin shidaal oo shirkado ay ka sameeyeen la sheegay in dalalkaas uu dhex-ceegaago shidaal aad u badan, waxaana cirka isku shareeray muran xudduudeedka badda ee dalalka Afrika u dhexeeya, sida Soomaaliya iyo Kenya markii ay Kenya sheegatay in ay leedahay badda Soomaaliya qayb ka mid ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, waxaana warar hoose ay tilmaamayaan in madaxweyneyaasha Somalia iyo Kenya ay dhowr jeer murankan kulammo ka yeesheen, inkastoo la isku fahmi waayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya