4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 17, 2014
Shirweynihii looga tashanayay xeerka Garsoorka dalka oo la soo Gunaanaday


Jimco, Oktoobar 17, 2014 (HOL) — Waxaa maanta lagu soo gunaanaday Muqdisho shir wada-tashi ah oo muddo shan casho ah ka socday hoteelka Jazeera Palace, kaasoo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka dowladda Soomaaliya.

Shirkan ayaa intii uu socday lagu lafa-guray xeerka nidaamka garsoorka dalka, xeerka dhisidda maxkamadda dastuurka iyo hirgelinta qorshaha dib-u-habaynta hay’adaha cadaaladda; waxaana xiritaankiisa goob-joog ka ahaa xildhibaanno, wasiirro, xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, ergooyin ka socota maamullada gobolada dalka, ururka qareennada Soomaaliyeed, ururka qareennada haweenka Soomaaliyeed, bulshada rayidka iyo culummaa’uddiin Soomaaliyeed.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir oo hadal madasha  ka jeediyay ayaa bogaadiyay ergadii shirka ka qayb-gashay oo meelo fog-fog uga timid si ay talo iyo tusaale ugu biiriyaan hagaajinta xeerarka iyo sharciyada dalka.

Mar uu ka hadlayay muhimadda ay leedahay in la dhaqna-galiyo shuruucda dalka ayuu tusaale u soo qaatay xeerkii adeegga garsoorka oo ay wasiirrada iyo xildhibaannada dalku ansixiyeen madaxwaynuna saxiixay balse aan illaa iyo hadda la dhaqan-gelin, sidaa daraadeedna uu xafiiska xeer-ilaalinta la xisaabtami doono cid walba caqabad ku ah ku dhaqanka shracigaas.

“Maadama ay shaqadeydu tahay ilaalinta xeerarka Qaranka, waxaan maanta halkan uga sheegayaa dhamaan hay’adaha ay khuseyso oo ay ugu horreyso wasaaradda cadaaladda iyo dastuurka, xafiiska xeer ilaalinta, golaha adeega garsoorka ee hadda jira iyo maxkamadaha inuu dhamaaday xilligii uu golaha adeegga garsoorka ku dhisnaa, lana baabi’iyay qanuun ahaan loona baahan yahay in la dhaqan-galiyo sharciga cusub. Haddaan la dhaqan-gelinna waxaa imaan doonta in lala xisaabtamo ciddii aan ku dhaqmin oo uu xafiiska xeer ilaalinta Qaranku ugu horreeyo,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka, Faarax Sheekh C/qaadir oo soo xiray shirka ayaa xusay muhiimada ay leedahay in la hagaajiyo lana tayeeyo laamaha garsoorka iyo cadaaladda dalka. Isagoo sheegay in wasaaraddiisu sameyn doonto xafiis shaqadiisu tahay u doodista dadka Soomaaliyeed ee sida sharci-darrada ah uga buuxa xabsiyada caalamka oo maanta aysan jirin cid kasoo saarta.

“Sannado ka hor shacabka laga-lama tashan jirin xeerarka dalku leeyahay, maxkamadahana dacwo looma aadi jirin. Maantana waxaan ka hadlaynaa wada-tashi xeer, dastuur, is-difaac iyo sidoo klae maxkamad, taasoo ka dhigan inaanu maanta ka wanaagsan-nahay shalay, berrina aan ka wanaagsanaan doonno maanta. Waxaan ku raja weynahay in qof walba uu helo garsoor caddaalad ah, isagoo aan meel dheer u aadin.

Ugu dambeyn, xubnihii shirkan wada-tashiga ah ka qayb-galay ayaa ka kala socday; wasaaradda cadaaladda iyo dastuurka, xafiiska xeer-ilaalinta guud ee Qaranka, xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda, wakiillo barlamaanka federaalka ah ka socday, ergooyin matalayay maamullada gobollada dalka, maxkamadaha kala duwan ee dalka, hay’adda culummada Soomaaliyeed, ururka qareennada Soomaaliyeed oo uu ku jiro kan haweenka, ururrada  bulshada rayidka ah, sharci-yaqaanno iyo xubno ka socotay kulliyadaha sharciga ee Jaamacadaha dalka.

HALKAN KASOO ROGO WAR-MURTIYEEDKII KASOO BAXAY SHIRKA:

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya