4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 17, 2014
Ergayga Midowga Afrika ee Somalia oo ka hadlay askarigii laga helay C. Ebola


Jimco, Oktoobar 17, 2014 (HOL) — Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maman S. Sidikou ayaa war uu soo saaray ku sheegay inuu doonayo in shacabka Soomaaliyeed uu u caddeeyo sida uu uga xun yahay askari ka tirsan ciidamada Sierra Leone ee Somalia loo soo waday laga helay cudurka halista ah ee Ebola.

Danjire Maman Sadikou ayaa xusay inuu shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u sheegayo inay AMISOM horay ugu bixisay inaan Soomaaliya la keeni karin ciidammo ka socda Sierra Leone iyadoo aan lasoo marin baaris caafimaad oo dhameystiran, loona soo diyaarin inay howlgalka socda ka qayb-qaataan.

"Waxaan rabnaa inaan u xaqiijinno shacabka Soomaaliyeed iyo calaamka in AMISOM qaadatay tallaabooyin lagu xaqiijinayo in Soomaaliya uu soo gaaro cudurka halista ah ee Ebola. Waxaan hakinnay ciidammo dalka Sierra Leone ka imaan lahaa oo bishii July ee sanadkan bedeli lahaa kuwii horay halkan u joogay. Guutadii la bedeli lahaa ayaana hadda weli shaqeynaya, waxaana ka war-dhowri doonnaa xaaladdu sida ay isku bedesho, taasi waa qorshe ay ku doonayno inaan ku badbaadinno shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri danjire Sadikou.

Ugu dambeyn, ergayga Midowga Afrika ee Somalia wuxuu warbixintiisa ku sheegay inay si dhow ugala shaqeynayaan dowladda Soomaaliya sidii xal loogu heli lahaa inaanu cudurkaas halkan (Soomaaliya) soo gaarin. Taasoo ay ka mid tahay in xarun karantiil laga aasaaso isbitaalka labaad ee AMISOM ay ku leedahay Muqdisho. Waxaana socda tababar la siinayo xubno dhinaca caafimaadka u qaabilsan AMISOM, Kenyana waxay dhankeeda uga jirtaaan u diyaar-garowga ka hortagga cudurkan.

Hadalka ergayga Midowga Afrika ee Somalia ayaa hadalkiisan wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan ay xubno ka tirsan dowladdu sheegeen inaysan waxba ka ogeyn ciidammo ka imaan lahaa Sierra Leone oo askari ka mid ah laga helay cudurka Ebola.

Dalka Sierra Leone wuxuu ka mid yahay dalalka ay ciidamada AMISOM kaga sugan yihiin Soomaaliya, iyadoo ciidamadoodu ay ka howlgalaan gobollada Koonfurta Soomaaliya sida Jubbooyinka, waxaana dalkan uu ka mid yahay dalalka uu cudurkan sida ba’an u aafeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya