4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 17, 2014
Arday ka qalin-jabisay kuliyada caafimaadka Jaamacada Banaadir (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 17, 2014 (HOL) —  43-arday oo isugu jiray wiilal iyo gabadho oo ka qalin-jabisay kulliyadda caafimaadka Jaamacadda Banaadir ayaa Muqdisho loogu sameeyay xaflad qalin-jabin ah. taasoo ay ka qaybgalay xafladda masuuliyiinta, arday, macalimiin ka tirsan Jaamacadda Banaadir, waaliddiin, ururrada bulshada iyo marti sharaf kale.

Ardayda qalin-jabisay ayaa baratay cilmiga dhakhtarnimada sida uu sheegay hormuudka kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo munasabaddaas ka hadlay, isagoo xusay in ardaydan ay muujiyeen dadaal badan oo waqti dheer qaatay, ayna la mid yihiin hadda kaddib dhakhaatiirta ka baxday Jaamacadaha Caalamka maadaama buu yiri ay haystaan shahaado caalamka laga aqoonsan yahay.

“Kuliyadda caafimaadka oo ah midda ugu faca weyn kulliyadaha Jaamacadda Banaadir waxaa horey uga qalin-jebiyey 170 dhakhtar, 43-kaan dhakhtar ayaana ku biiray maanta; taasoo tirada guud ee ka dhgaysa 213 dhakhtar,” ayuu yiri hormuudka oo u hambalyeeyey ardayda qalin-jabisay oo uu xusay in maanta wixii ka dambeeya ay yihiin dhakhaatiir buuxda daweyn iyo qaliin u sameyn kara.

Sidoo kale, guddoomiyaha jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu hambalyada iyo farxada la wadaagayo ardayda ka qalin-jebisay kuliyadda caafimaadka isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya ay ka mid noqdeen bahda caafimaadka.

“Kuliyadda caafimaadka Jaamacadda Banaadir, waxaa wax ka bartay in ka badan 1,300 oo arday, waxaana u hambalyeynayaa ardayda qalin-jabisay maanta, waxaana la wadagayaa farxada maadaama ay gaareen yoolkii ay muddo dheer ku haminayeen,” ayuu yiri Dr. Dalmar oo dhinaca kale sheegay in arday badan ay sannadkan ka qalin-jebinayaan toddoba ka mid ah kuliyadaha Jaamacada.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa isna munaasabadda ka sheegay in ardayda ka qalin-jebisay kuliyada caafimaadka Jaamacadda Banaadir ay yihiin kuwa ugu nasiibka badan maadaama ay kuliyaddaas ku kulmeen macallimiintii ugu badnayd ee wax ka dhigi jiray Jaamacaddii umamdda xiliggii hore.

“Dhaqaatiirtii horey uga baxday kulliyada caafimaadka Jaamacadda Banaadir waxay howlo kala duwan ka hayaan Soomaaliya oo dhan sida Koonfurta, Puntland iyo Somaliland, qaar kalena waxay taqasusyo iyo aqoon kororsi u aadeen dalal caalamka qaarkood,” ayuu Prof. Dufle.

Waxaa kaloo ka hadlay C/raxiin Ciise Caddoow oo ka mid ah maamulka guud ee warbaahinta dowladda oo isna kulankaas ka hadlay ayaa xusay in Radio Muqdisho iyo SNTV ay had iyo jeer garab-taagan yihiin bahda waxbarashada Soomaaliyeed, gaar ahaan Jaamacadda Banaadir, isagoo ballan-qaaday inay muhiimad gaar ah siin doonaan aqoon-yahannada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda ka hadlay xubno kala duwan oo isugu jiray dhakhaatiir, waaliddiin iyo ardayda qalin-jabisay qalinjabisay, iyadoo lagula dardaarmay inay bulshadooda ugu adeeggaan aqoonta ay barteen, iyagoo dhinaca kalena amaan u jeediyay Jaamacada Banaadir oo ay ku tilmaameen inay tahay warshad u taagan iney soo saarto dhaqaatiir cusub oo Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya