4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 17, 2014
Baydhabo oo laga dhisay Urur ay ku mideysan yihiin Haweenka Caafimaadka


Jimco, Oktoobar 17, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa maanta looga dhawaaqay urur ay ku mideysan yihiin kalkaaliyaasha iyo umulusooyinka gobollada Koonfurta Somalia, kaasoo ay ku midoobeen dhamaan haweenka caafimaadka ka shaqeeya, iyadoo ay isugu yimaadeen xubno mas’uuliyiin ah iyo golaha aqoon-yahannada gobalka Bay iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiinta haweenka sida, Faadumo Xuseen Abuukar (Faayoow), Muraayo Maxamed Deer iyo Xaawo Sokarey, iyadoo hadallada kaddib ay la magacaabay guddoomiye, iyadoo xilkaas loo magacaabay, Saliimo Sheekh Shuceyb oo ka mid ah kalkaaliyaasha isbitaalka gobalka Bay.

Guddoomiyaha ururkan ayaa goobta ka sheegtay howlaha looga fadhiyo inay qabtaan, gaar ahaan kuwa caafimaadka iyo sidii waxqabad rasmi ah loogu fulin lahaa bulshada Koonfurta Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku yaalla labo isbitaal oo waaweyn kuwaa oo kala ah Isbitaalka Bayhaaw iyo Isbitaalka weyn ee Baydhabo, waxaana jooga dhakhaatiir iyo kalkaalisooyin iyo umulusooyin, kuwaasoo taageero ka hela hay’adaha qaabilsan caafimaad Baydhabo.

Dhanka kale, waxaa ku yaalla MCH ay leeyihiin hay’adaha maxaliga iyo kuwa caalimiga ah, waxayna ka shaqeeyaan kalkaalisooyin iyo Umulusooyin badan oo haween ah, kuwaasoo ah kuwa ku midoobay ururkan cusub.

Hiiraan Online, Baydhabo