4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 17, 2014
Ururka OIC iyo Wasaaradda Caafimaadka Somalia oo ka Shiray Cudurka Ebola


Jimco, Oktoobar 17, 2014 (HOL) — Kulan ay wada-yeesheen xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Somalia iyo wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka Somalia ayna kasoo qayb-galeen ururada la shaqeeya OIC ayaa looga hadlaayay sidii looga hortegi lahaa in cudurka Ebola uu soo gaaro Soomaaliya, kaasoo hadda fara ba'an ku haya dalal ka tirsan Afrika, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay OCI.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay dowladdu magacowday guddi heer Qaran ah oo ka kooban wasiirro sidii looga hor-tagi lahaa inuu cudurka Ebola soo gaaro Somalia, maadama uu dalka u nugul-yahay inuu cudurkaan soo gaaro. Qoraalka OIC ayaa lagu xusay in hadakan uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka, Maxamed Cabdi Faarax.

“Guddiga heerka Qaran ee dowladda iyo WHO waxay isla garteen in la dhiso goob looga hortago cudurka, lagana hirgeliyo garoonka Xamar iyo dekedaha Muqdisho iyo Kismaayo oo ah goobaha ay toos u yimaadaan AMISOM, lana geeyo qalab caafimaad oo lagu baaro dadka dalka soo galayo,” ayuu yiri Faarax oo intaas ku daray in wasaaradda caadimaadka ay sheegatay in la helo goobo lagu karantiilo dadka looga shakiyo cudurkan.

Sidoo kal, qoraalka OIC ayaa lagu sheegay in wasaaradda caafimaadka, OIC iyo hay’adaha la shaqeeyo ay isla gaarteen in wadajir ah la isaga kaashado u diyaar-garowga ka hortagga, lana helo goobo lagu karantiilo dadka cudurka looga shakiyo.

Dr. Aadan Xaaji Ibraahim oo ah xiiriyaaha caafimaadka ee OIC ayaa kusoo bandhigay kulanka macluumaad ku saabsan Ebola iyo khatarta uu u yeeslan karo dalka. "Somalia way u nuhushay cudurka Ebola maadama ay xuduudaheedu furan yihiin, sidoo kalena aysan lahayn laamaha adeegga caafimaad oo dhameystiran."

Ku xigeenka wakiilka OIC Somalia, Maxamed Iidle Sabriye ayaa isna shirka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in laga wada-shaqeeyo ka hor-tagga cudurka Ebola, wuxuuna ballan-qaaday inay la shaqeyn doonaan hay’adaha kale ayna kaalin ka geysan doonaan ka dadaalka loogu jiro in cudurka Ebola looga hortago.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya