4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 17, 2014
Markab u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed oo ku soo Caariyay Xeebaha Eyl

Jimco, Oktoobar 17, 2014 (HOL) — Wararka ka imaanaya deegaanka Kabaal oo ku dhow degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa ku soo waramaya in Markab u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed u ku soo caariyay halkaas, sababo la xiriira cilado dhinaca matoorka ah oo soo gaaray awgeed.

“Markabkan waxa u ku sii jeeday magaalada Muqdisho ,waxaana uu ka yimid magaalada Dubia ee Imaaraadka Carabta,“ ayuu yiri Axmed Cali oo kamid ah dadka deegaankaas oo la hadlay warbaahyinta gudaha.

“Walaal waxaa naloo sheegay in cilad darted uu halkan ugu soo caariyay, waxaana uu muddo afar cisho ah ku xayiran-yahay Kabaal,“ ayuu yiri Axmed oo tilmaamay in ganacsato Somaliyeed ay ka soo rarteen Dubai.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay in cunto iyo biyo gurmad ah ay gaarsiiyeen shaqaalaha saaran Markabkan oo laga leeyahay dalka Siiriya, waxaana bad-maaxinta saaran ay isugu jiraan Afrikaan iyo carab.

Ciidamo ka socda kuwa ilaalada xeebaha Puntland ayaa sidoo kale la sheegay in ay gaareen deegaanka Kabaal si ay u  ogaadaan xaaladda shaqaalahan oo dhowr maalin badda dul-sabaynayay.

Ugu danbayntii degmada Eyl ayaa caan ku ahayd in inta badan la keeno maraakibta laga soo qafaasho xeebaha ka baxsan Somaaliya, inkastoo labadii sano ee la soo dhaafay ay is dhimeen weerarradii lagu qaadi jiray maraakiibta shisheeye.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]