4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 17, 2014
Gaadiidka AMISOM oo Wadda Muhiimka ah ee Muqdisho ku jiiray Haweeney

Jimco, Oktoobar 17, 2014 (HOL) — Gaadiidka gaashaaman ee ciidamada AMISOM ayaa maqribnimadii xalay haweeney ku jiiray waddada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan inta u dhexeysa isgoysyada iyo dabka ee jikdaas, iyadoo haweeneydan uu soo gaaray dhaawac halis ah.

Ruux goob-jooge ah oo ku suganaa halkii ay gaadiidka AMISOM ku jiireen jiireen haweeneyda ayaa sheegay in gaadiidka AMISOM ay haweeneyda oo laamiga goynaysa si lama filaan ah u jiireen ayna iska tageen, iyagoo aan xitaa u joogsan.

“Haweeneydu waxay ahayd qof da’ dhexaad ah… gaadiidka ayaana jiiray iyadoo waddada goynaysa… ciidamadu socodkooda ayay iska sii wateen, haweeneydana dhaawac ayaa gaaray,” ayuu yiri goobjoogahan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay ciidamada AMISOM waddada Maka Al-Mukarama ay ku jiiraan dad shacab ah, iyadoo sannadkii hore ay ahayd markii gaadiid ay wateen ay ciidamada AMISOM ku jiireen meel ku dhow Hoteelka Ambassador ee Muqdisho, taasoo dadweynaha ka careysiisay.

Sidoo kale, gaadiidka AMSIOM ayaa falkii ugu dambeeyay oo ay dad rayid ah ku jiiraan, wuxuu ka dhacay degmada Wardhiigley, halkasoo ay ku jireen wiil yar oo 14-jir ah, iyadoo dadweynaha degmadaas ay dibadbaxyo ka dhigeen falkaas.

Taliska AMISOM ayaa sheegay inay magdhow ka bixinayaan cid walba oo ay waxyeello u geystaan ciidamadooda, waxaana horay u jirtay in dhowr jeer ay ciidamada AMISOM rasaas ku furaan dad shacab ah oo ay laayaan.

Ciidamada AMISOM oo ka socda shan dal oo Afrikaan ah ayaa waxay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya dagaallada ay kula jirto Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya, iyagoo dhawaan ka qabsaday deegaanno dhowr ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya