4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 17, 2014
Dowladda oo sheegtay inay Muqdisho ku Qabtay Xubno ka Tirsan Al-shabaab

Jimco, Oktoobar 17, 2014 (HOL) — Xukumadda Somalia ayaa sheegtay inay wixii ka dambeeyay markii la dhigay ciidammada amniga koontaroolada laga soo galo iyo kuwa laga baxo ee Muqdisho ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigto xubno ka tirsan Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Qaranka ahna ku-simaha ra’iisul wasaaraha Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ciidmada amnigu ay kusoo qabteen raggan baaritaano ay ka sameeyeen waddooyinka laga soo galo Muqdisho iyo kuwa looga baxo, iyadoo xubnaha la qabtay la ogaaday inay Muqdisho kusoo socdeen.

“Raggan ka tirsan Al-shabaab ee la qabtay waxay doonayeen inay Muqdisho ka sameeyaan rabshado, gacanta ayaana ku haynnaa…. dhawaan ayaana la soo taagi doonaa maxkamad,” ayuu ereg hadalkiisa ku daray.

Dowladda Somalia ayaa horranatii bishan sheegtay in ciidamada amniga la dhigayo koontaroollada iyo waddooyinka laga soo galo Muqdisho iyo kuwa looga baxo, si amniga caasimadda loo xoojiyo.

Hadalka wasiirka amniga ayaa imaanaya iyadoo Al-shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda laba qarax oo Muqdisho ka dhacay, kuwaasoo habeenno kala duwan lagu weeraray goobo ay dad badan ku sugnaayeen.

Afhayeenno u hadlay Al-shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxyadan ay ahaayeen kuwo ay ku bartilmaameedsanayeen rag ay ku sheegeen inay ka tirsan yihiin sirdoonka dowladda iyo kuwa caalamka qaarkood.

Balse, dadkii ku dhintay qaraxadan ayaa waxay ahaayeen dad shacab ah oo ku sugnaa maqaayado ku yaalla Muqdisho, waxaana weerarradan ay kusoo beegmayaa iyadoo Al-shabaab laga saaray deegaanno badan oo ay ka mid tahay degmada Baraawe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya