4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 16, 2014
Mas'uuliyiinta Maamulka Jubba oo booqatay meelihii Shabaab laga Qabsaday
Khamiis, Oktoobar 16, 2014 (HOL) :- Wafdi uu horkacayo madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee maamulka Jubba C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere) ayaa maanta booqday deegaano dhowr ah oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo, kuwaasoo kamid ah goobihii dhawaan ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab.

Wafdigan uu horkacayay madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee maamulka Jubba ayaa booqday deegaanada Goobweyn, Lugloow, Yoontooy iyo deegaanka Buulogaduud, iyagoo intii ay booqashadooda ku guda jireen warbixinno ka dhageeystay saraakiisha hogaamineeysa ciidamada ku sugan goobahaasi.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa xubno ganacsatado ah, waxaana ay sahay gaarsiiyeen ciidamada ku sugan furumaha hore ee dagaalka.

Madaxweeyne kuxigeenka ayaa deegaanka Goobweyn kula hadlay dadka deegaanka, isagoo ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada si buu yiri dib loogu soo celiyo nabadda iyo horumarka deegaanadaasi.

"Anagu dagaal idinma wadno, waxaan idiin wadnaa nabad, horumar, caafimaad iyo waxbarasho ayaan idiin wadnaa, ciidamadeenuu way socon doonaan inta laga xoreeynayo guud ahaan deegaanada Jubbaland ee uu cadowgu heeysto," ayuu madaxweeyne kuxigeenka hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale waxaa iyagana hadallo kala duwan goobta ka jeediyay masuuliyiintii kale ee wehlineeysay wafdiga madaxweeyne kuxigeenka, waxayna dhamaantood u hambalyeeyeen ciidamada ku sugan jiidda hore ee dagaalka.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada maamulka Jubba oo garabsanaya kuwa AMISOM ay xoogagga Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Buulogaduud iyo deegaano kale oo ku dhow dhow, kuwaasoo ay hore gacanta ugu hayeen xoogagga Al-shabaab.

...........
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.