4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 16, 2014
Baardheere oo looga dhawaaqay guddiga gurmadka abaaraha gobolka Gedo
Khamiis, Oktoobar 16, 2014 (HOL) :- Xilli abaarta ka jirto gobolka Gedo ay kasii dareeyso islamarkaana saameyn aad u daran ay ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolka, ayaa magaalada Baardheere waxaa maanta looga dhawaaqay gudiga Gurmadka Abaaraha ee gobolka Gedo.

Kulamo ay maalmihii u danbeeyay magaalada Baardheere ku yeesheen odoyaasha dhaqanka, culumaa’udiinka iyo waxgaradka ku dhaqan degmadaasi ayay uga hadleen sida ugu haboon ee wax looga qaban karo abaaraha ka jira gobolka Gedo, waxayna maanta ku dhawaaqeen guddi ay ugu magacdareen “gudiga gurmadka abaaraha”.

Gudigan oo ka kooban ilaa todobo xubnood ayay shaqadiisu noqon doonta in gurmad deg deg ah uu gaarsiiiyo goobaha ugu daran ee ay saameeyeen abaaraha islamarkaana u baahan in sida ugu dhaqsaha badan loo kaalmeeyo.

Qaar kamid ah xubnaha gudiga oo warbaaahinta la hadlay ayaa ka codsaday jaaliyadaha ku nool qurbaha iyo cid walba oo dooneeysa in ay ka qeybqaadato gurmadka ay doonayaan in ay u fidiyaan dadka ku dhibaateeysan gobolka in ay kala soo xiriirto cinwaannada hoos ku xusan.

C/laahi Max’ed Cismaan (Fanax) Tel. +25261-5546341 ama Aaden Xasan Xareed Te. +25261-5812915.

Abaaraha ka jira gobolka Gedo ayaa saameeyay dadka iyo duunyada ku dhaqan halkaasi, iyadoo oon iyo gaajo ay gobolkaasi ugu dhinteen dad iyo duunyo, maadaama goobaha qaar aan laga heli karin biyaha la cabo ee lagama maarmaanka u ah nolosha.

.............
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.