4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 16, 2014
Odayaal kasoo horjeestay Guddi dowladdu u saartay xallinta Colaada Deefoow


Khamiis, Oktoobar 16, 2014 (HOL) — Odayaal-dhaqan iyo waxgarad ku shiray maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa siweyn uga soo horjeestay guddi ay dowladda Soomaaliya u saartay joojinta iyo xal u halista colaada u dhaxeysa labo beellood oo dagaal ku dhaxmaray deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan.

Kulanka oo ahaa mid guud ahaan looga doodayay dagaallada iska soo daba-noqday ee ka taagan deegaanka Deefoow iyo guddiga ay dowladdu Somalia u saartay dhameynta xiisadda labada beelood ayay ku eedeeyeen odayaasha xubnaha gollaha wasiirrada qaarkood in ay qeyb ka yihiin hurinta colaada ka taagan deegaannada Kabxanley iyo Deefoow ee gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah odayaasha ayaa sheegay in ay og-yihiin xildhibanno wasiirro dhaqaalle ku bixiya sii socoshada dagaallada labada dhinac, sidda daraadeed marnaba aqbali doonin dowladda Soomaaliya in ay soo fara-galiso khilaafka labada beelood.

Wasiirka wasaarrada ammiga Qaranka Soomaaliya Khaliif Axmed Erag oo warbaahinta kula hadllay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aqbali doonin sii socoshada dagaallka Deefoow, islamarkaana la geyn doono sidda uu hadalka u dhigay ciidammo ka socda AMISOM inta laga soo afjaro khilaafka u dhaxeeya labada beellood.

Laakiin odayaasha ku shiray magaalada Beledweyne ayaa uga digay guddiga wasiirada ah ee dowladda u saartay arrintan in ay ka soo degaan garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beleweyne.

Dagaalkii ugu danbeeyay ee dhaxmaray maleeshiyada labada beellood ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 15 qof halka tiro kale oo intaa kasii badanna ay ku dhaaawcmeen, mana aha markii ugu horeysay oo ay dowladda qaado talaabo la isku dayayo in lagu wadda hadal siiyo labada beellood, laakiin wax natiijo ah kama aysan soo bixin.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne Soomaaliya