4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 16, 2014
Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay dalka Itoobiya kuna wajahan Ingiriiska

Khamiis, Oktoobar 16, 2014 (HOL) — Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garoowe iyagoo kusii jeeda dalka Itoobiya oo ay uga sii gudbi doonaan magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

Madaxweyne ku-xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka, wasiiro, xildhibaano, saraakiisha ciidamada iyo maamulka gobolka Nugaal ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa  kusii sagootiyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Gaas oo waxyar kahor intii uusan Garowe ka dhoofin war-fidiyeenka la hadlay, wuxuu sheegay in ujeedada socdaalka wafdiga uu horkacayaa tahay sidii ay uga qayb geli lahaayeen shir maalgashiga Afrika looga hadlayo oo magaalada London ka dhici doona.

"waxan maanta u dhoofayaa dalka Itoobiya oo aan shaqo u aadayo kabacdina waxan usii gudbayaa dalka Ingiriiska oo aan kaga qayb geli doono shir muhiim ah oo maalgelinta Afrika looga hadli doono wadamo badanina kasoo qayb geli doonaan..." Madaxweynaha Puntland ayaa sidaas yiri isagoo intaas raaciyey inay Puntland sharaf shirkaas in keligeed lgu casumay iyadoo metelysa Soomaaliya oo dhan.

Dhanka kale Madaxweyne Gaas wuxuu maanta dhagax dhigay wado dhererkeedu yahay 1.3km taasoo laami la saarayo iskuna xiri doonta xarunta madaxtooyada iyo jidka weyn ee magaalada dhex mara. Masharuucaas oo boqollaal kun oo doolar ku baxayaan waxaa dhaqaalihiisa bixineysa dowladda.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya