4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 16, 2014
Xukuumadda oo Shacabka ugu baaqday in ay Sugidda Amniga ka Shaqeeyaan


Khamiis, Oktoobar 16, 2014 (HOL) — Wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg ahna ku simaha ra’iisul wasaaraha dalka ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Muqdisho, isagoo xusay in lagu dilay weerarkaas shacab aan waxba galabsan.

Ereg oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay markii Al-shabaab lagu jabiyay goobaha dagaallada, lagana qabsaday illihii dhaqaaluhu kasoo gali jiray iyo deegaannadii saldhigga u ahaa ayay bartilmaameed ka-dhiganayaan dadka birmo-ma-geydada ah iyo goobaha bulshada rayidka ah isugu timaado.

“Bulshada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan ciidanka nabad-galyada una soo gudbiyaan wax kasta oo dhibaato ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka,” ayuu yiri Ereg.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in si gaar ah loola socdo abaabullada iyo qorshayaasha ay waddo Al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay dadka iska leh goobaha ay bulshadu ku kulanto inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah si ay uga hortagaan kuwa dhibaatooyinka geysanaya.

Dhanka kale, wasiirka Amniga Qaranka ayaa la kulmay safiirka Jarmalka u fadhiya Somalia kaasoo uu kala hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, iyadoo ay xukuumadda uga mahad-celisay dadaalka ay ku garab-taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Maal-gashi caalami ah iyo xiriirka ayaa Somalia dib ugu soo noqday, waana inaan fursadahaas ka faa’iideysannaa oo aan caalamka tusinaa inay Somalia nabad tahay oo la maal-gashan karo, si dhallinyaradeenna ay fursado shaqo u helaan,” ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dowladda Jarmalka waxay dalka ka fulin doontaa mashaariic badan oo waxtar leh, isagoo xusay in Jarmalku uu ka mid yahay dalalka caawiya Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya