4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 16, 2014
Dood-cilmiyeed looga hadlay arrimaha dhallinyarada oo Muqdisho lagu qabtay


Khamiis, Oktoobar 16, 2014 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlay higsiga dhallinyarada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo doodda lagu soo bandhigay qodobbo ka turjumaya mustaqbalka dhallinyarada iyo sidii ay u hogaamin lahaayeen dalka.

Hay'adda CCD oo dooddan soo qabanqaabisay ayaa sheegtay in hadafkeedu uu yahay sidii loo horumarin lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo ay khudbado kasoo jeediyeen doodda mas'uuliyiinta hay'adda iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha dhallinyarada degmooyinka Muqdisho.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Banaadir, Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo uga mahad-celiyay hay'adda CCD sida ay mar walba u garab taagan yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, isla markaana hadafka dhalinyarada ay uga miro-dhalin lahaayeen.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhalinyarada la marin-habaabiyay loo baahan yahay in loo abuuro xirfado sida shaqooyin, waxbarasho, lana siiyo caafimaad, lana wacyi-geliyo si ay bulshadooda uga mid noqdaan.

"Fikirka Al-shabaab weli wuu jiraa , balse waxaa loo baahan yahay in fikirka lagu duuf-sanayo lala dagaalamo, kuwa la qaldayna wanaag loogu baaqo, loona sameeyo wacyi-gelin, inta maanta ku harsan Al-shabaabna ay kasoo baxaan," ayuu yiri C/kaafi.

Cali C/qaadir Faarax oo ah gudodomiyaha dhallinyarada Xamar-jajab oo ka hadlay isaguna doodda ayaa sheegay in dhallinyarada ay hadda isku xiran yihiin maadaama magacoodii ay xumaanta ka tireen. Waxayna horay u soo mareen xilliyo kala duwan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha CCD, Ciise Axmed Cumar oo khudbad dheer ka jeediyay doodda ayaa ku boorriyay in dhallinyarada inay l yimadaan is-bededel, maadaama ay horumarro kala duwan ka socdaan dalka, lagana saarayo Al-shabaab deegaannadii ay haysteen.

"Marka hore waxaan cambareynayaa Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay oo laba ahaa, kuwaasoo lagu dilay dad badan oo shacab ah iyo aqoonyahanno fara badan, mana ahan kuwaas kuwo lagu faragelinayo shacabka," ayuu Ciise ku daray hadalkiisa.

Ciise ayaa ugu baaqay dhallinyarada inay ku daydaan dadka taariikhda ka galay baal dahab, sida dhalinyaradii SYL, isla markaana qof walba uu ku fikiro inuu horumar sameeyo, si berri ay taariikhda ugu qoranto, hadii uu wax qabtay.

Qaar ka mid ah dhallinyaradii ka hadashay dood-cilmiyeedka ayaa sheegay in magacii dhallinyarada la bedelay, isla markaana laga dhigay mid dhibaato ah, waxaana ay sheegeen in magaca Al-shabaab uu yahay dhallinyaro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya