4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 16, 2014
Danjire Kay oo Madaxda dalka ugu baaqay inay da-dajiyaan howlaha u dhiman


Khamiis, Oktoobar 16, 2014 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida ku boorriyay in la dadajiyo dhismaha guddiga doorashooyinka Qaranka iyo guddiga diyaarinta xuduudaha iyo hirgelinta nidaamka federaalka.

Danjire Kay ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in siyaasadda Soomaaliya laga gaaray horumar muuqda, isagoo sheegay in howlaha harsan looga baahan yahay hay’adaha dowladda inay si dhaqso ah ku qabtaan, si ujeeddada loo gaaro.

"Xukuumadda federaalka Soomaaliya waxaan ku boorrinayaa inay dadajiso hannaanka loo dhan yahay ee dhismaha maamulka gobollada dhexe ee dalka iyo kuwa kale ee dhiman. Waxaan haysannaa khariidad cusub oo muujinaysa Soomaaliya oo federaalka ah dhammaadka sannadkan," ayuu yiri Kay oo warbixin siinayay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, danjire Kay ayaa ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya ansixinta sharciyada muhiim ah haddii la meel-marin waayana aysan rumoobi doonin riyada ku aaddan inay Somalia hesho dastuur cusub oo hormuud u noqda doorashooyin dalka ka dhaca sannadka 2016-ka.

"Baarlamaanka Soomaaliya waxaan ku boorrinayaa inay culeyska saaraan sidii ay u meel marin lahaayeen sharciyada muhiimka ah, kuwaasoo lagama maarmaan u ah in dalka doorasho la gaarsiiyo,” ayuu yiri Kay oo intaas ku daray in haddii aan sharciyaad la meel-marin aan la gaari doonin hadafka ah in dalkan uu noqdo mid dimuqraadi ah.

Dhanka kale, Kay wuxuu ka hadlay howlgallada dalka kasocda iyo guulaha ay ka gaareen ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya ee AMISOM, isagoo sheegay in Al-shabaab deegaanno badan laga saaray bilhii lasoo dhaafay.

“Geeridii hoggaamiyihiii Al-shbaaab, Axmed Godane marka laga daro guulo waaweyn ayaa laga gaaray dagaallada lagula jiro Al-shabaab. Waayo intii badnayd awoodoodii waa la wiiqay xilligan," ayuu yiri hadalkiisa ku daray, isagoo mar kale yiri. "Howlgalka Badweynta Hindiya waa mid loo wada dhan yahay.”

Hadalka ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Kay ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay wadaan dagaallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya