4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 16, 2014
Mareykanka oo Malaayiin Doollar Dul-dhigay Hoggaamiyeyaasha Al-Qaacida

Khamiis, Oktoobar 16, 2014 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa malaayiin doollar dul-dhigay hoggaamiyeyaal ka tirsan ururka Al-Qaacida, kuwaasoo la sheegay in mid ka mid ah uu gacan-yare u yahay hoggaamiyaha Al-Qaacida, Dr. Ayman Al-Zawaahiri.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in 45-milyan oo doollar ay Mareykanku ku xireen xogta 10-ruux oo ka tirsan Al-Qaacida iyo kooxaha ku xiran ee Jasiiradda Carabta ka dagaalama.

Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Al-Qaacida ku xiran ee dalka Yemen ay tahay mid halis weyn ku haysa xukuumadaha Carabta ee ku yaalla gobolka Bariga Dhexe, isagoo sheegay in kharta kooxdan ay sii kordhayso.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xustay inay siin doonto lacagtan cid walba oo soo sheegta xogta xubnahan ama soo xirta 10-ka hoggaamiye oo ka tirsan Al-Qaacidada Jasiiradda Carabta, kuwaasoo uu ka mid yahay, Sheekh Abuu Basiira Naasir Al-Wuxeyshi.

Naasir Al-wuxeyshi oo ah hoggaamiyaha Al-Qaacidada Bariga dhexe ayuu Mareykanku ku sheegay inuu sidoo kale yahay gacan-yaraha ugu weyn ee hoggaamiyaha Al-Qaacida, Dr. Aymen Al-Zawaahiri.

Lacagtii malaayiinta doollar ah ayaa noqonaysa tii ugu badnayd ee Mareykanku dul-dhigo xubno ka tirsan hoggaamiyaal Al-Qaacida iyo kooxaha xiran, tan iyo markii uu Mareykanku billaabay inuu lacago fara badan dul-dhigo hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxaha ku xiran Al-Qaacida ee ka dagaalama dalalka Soomaaliya, Ciraaq iyo Afghanistan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya