4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 16, 2014
Xaaladda Dadkii ku Dhaawcmay Qaraxii Xalay oo soo Hagaageysa (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 16, 2014 (HOL) — Xaaladda dadkii xalay ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Muqdisho ayaa soo hagaagaysa, iyadoo mas’uuliyadda qaraxaas ay dusha u ridatay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda iyo ciidamada AMISOM.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah, iyadoo dadka ku dhaawacmay ay isugu jireen, rag, dumar iyo carruur.

Ehellada dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay degmada Xamarweyne ayaa u sheegay warbaahinta in xaaladda dadkii dhaawacyadu gaareen ay haatan kasoo raynayso.

Al-shabaab ayaa sheegtay in qaraxaas ay ku bartilmaameedsanaysay xubno ay sheegtay inay dowladda ka tirsan yihiin iyo kuwo ay ku sheegtay inay ka tirsan yihiin hay’adaha sirdoonka dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegatay Qarax isagana lala beegsaday baar lagu magacaabo Oromo Coffee toddobaadkan xilli habeen ah, kaasoo ay ku dhinteen dad badan oo ay aqoonyahanno ku jireen, iyadoo sheegtay inay ku bartilmaameedsanaysay qaraxaas kooxo ay ku sheegtay cadowgooda.

Dadkii waxyeelladu xalay kasoo gaartay qaraxii Muqdisho ka dhacay ayaa gabi ahaantooda ahaa shacab ka cunneynayay, arday iskuul dhigaysay iyo sidoo kale dad shacab ah oo goobo ganacsi ku lahaa barxaddii Iskaashatada gaadiidka gobolka Banaadir oo ku dhow tiyaatarka Muqdisho.

Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ku tilmaamay falkaas mid naxdin leh, iyagoo sheegya inay baaritanano sameyn doonaan ayna ku rajo-weyn yihiin inay gacanta kusoo dhigaan dabiilayaashii ka dambeeyay weerarradaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya