4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 16, 2014
Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha waddanka Burundi


Khamiis, Oktoobar 16, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi kula kulmay madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza, ku-xigeenkisa, Prosper Bazombanza iyo xubno ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka gaashaandhiga.

Waxayna kawada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dawladood, iyadoo ciidamada Burundi ay qayb ka ciidamada AMISOM oo ka gacan siiya dawladda Soomaaliya soo-celinta amniga iyo xasiloonida dalka.

C/weli Sheekh ayaa waxaa kulammada uu la qaatay madaxda Burundi ku wehelinayey wasiir-u-dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Burci Maxamed Xamza, wasiir-u-dawlaha gaashaandhiga, Maxamed Cali Xagaa iyo safiirka Somalia u fadhiya Burundi, Abshir Xasan Abshir.

Ra’iisul wasaaraha ayaa uga warbixiyay horumarada kala duwan ee ka socda Somalia oo muddo dheer ku jirtay burbur, gaar ahaan howlgaladda ka socda dalka iyo xasiloonida kusoo noqonaysa. Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya ay inta badan goboladda dalka ka saareen Al-shabaab.

“Waxaan sii xoojinaynaa xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Burundi iyo Soomaaliya, waxaan la wada soconnaa in ciidamada Burundi oo qayb ka ah AMISOM ay naftooda u hureen sidii dib loogu soo celin lahaa sharaftii iyo dawladnimadii Somalia, iyagoo ku taageeray dawladda in ka badan 5,000 oo askari ah oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika, laguna xasuusan doono inay kaalin muhiim ah uga jirtay dib-u-dhiska Soomaaliya.

Mar kale ayuu yiri C/weli Sheekh. "Waxaan ku faraxsanahay inaan kawada hadalnay madaxda Burundi sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen arrimo ay kamid yihiin maal-gashiga, ganacsata dalkanna waxaan kusoo dhaweynaynaa inay ka qayb-qaadataan maal-gashiga Soomaaliya xilligan mar haddii  amnigu soo hagaagayo.”

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo dowladda Burundi waxay ka wada-hadleen eedaynta hay’adda HRW ee la xiriirta in ciidanka AMISOM inay fura-xumayn u gaysteen dumar Soomaaliyeed; iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu sheegay in dowladdiisu ay arrintaasi walaac ka qabto, waxaana madaxda Burundi ay ballan-qaaday in dhawaan Soomaaliya ay u soo diri doonto guddi ka qayb-qaata baaritaanka la xiriira eedayntaas, kuwaasoo la shaqeyn doona dowladda Soomaaliya.

"Waxaan ku faraxsanahay horumaradda ka jira Soomaaliya iyo horumaradda kala duwan ee muuqda. Waxaan sii xoojin doonnaa taageerada aan siinayno walaaleheena Soomaaliyeed si ay u soo noqoto kala dambayntii. Burundi wuu soo maray dhibaatooyin badan, maantana waxaan ku soconnaa jidkii horumarka. Waxa hadda noo muuqdana waa in Soomaaliya ay ka gudubtay dhibaatooyinkii horay u gaaray oo meel fiican ay ku socoto,” ayuu yiri isna yiri madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza.

Ugu danbayn, C/weli Sheekh ayaa booqday qaar ka mid ah warshadaha dalkaas si uu ugu kuur-galo horumaradda kala gadisan ee dalka Burundi uu hiigsanayo, isagoo dhanka kalana la kulmay xubno ka socda ganacsatada dalka Burundi oo uu ku dhiirri-galiyay inay yimaadaan Soomaaliya oo ay ka qaybgalaan maal-gashiga caalamku ku sameysanayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya