4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2014
JEN. QAYBDIID: Heshiiskii Garoowe waa mid ka hor-imaanaya Dastuurka Dalka


Arbaco, Oktoobar 15, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Gal-mudug Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa heshiiskii shalay ay Garoowe ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Puntland ku tilmaamay mid aan waafaqsaneyn dastuurka dalka.

Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa heshiiskaas ku tilmaamay mid la isaga horkeenaya shacabka ku nool deegaannadaas, isla markaana ay cambaareynayaan dhankooda kuwii heshiiskaas u saxiixay labad dhinac , isagoo ku eedeeyay inay yihiin kuwo colaad hurinaya.

“Heshiiskan waa mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka, waa qorshihiisu ay ka mid yihiin in bulshada la isaga horkeeno. Qodobada heshiiska oo dhanna waa kuwo iska horimaanaya; waana mid lagu maja-xaabinayo heshiiskii kal hore lagu gaaray Muqdisho ee la doonayo in maamul loogu sameeyo labada gobol ee Mudug iyo Galguduud,” ayuu yiri Jen. Qeybdiid oo wareysi siinayay VOA-da.

Sidoo kale, Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaare C/weli Sh. Axmed inuu dalka u kala qaybinayo xuduudo qabiil, isagoo xusay in haddii xuduudaha gobollada dalka la xadeynayo ay shaqo ku leeyihiin guddiga xuduudaha baarlamaanka Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaaraha dalka wuxuu u kala qaybinayaa xuduudo qabiil, waxaase is-weydiin leh yaa xaq u leh in la xadeeyo xuduudaha gobollada dalka, meel ay dastuurka kaga taal gobol labo haloo qeybiyana ra’iisul wasaaraha ayaa la weydiinayaa, waanan cambaareynaynaa isku-dirka iyo iska horkeenka ay waddo beesha caalamka,” ayuu yiri hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, heshiiskan oo ka koobnaan 12-qof ayuu qaybdiid sheegay in ay maamul ahaan kasoo horjeedaan, aysanna aqbalayn, laakiinse ma sheegin wax tallaabo ah oo ay qaadayaan ka maamul ahaan.

Heshiiskii Garoowe ayaa waxaa dhanka dowladda Somalia u saxiixay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh, halka maamulka Puntland u saxiixay heshiiska madaxweynaha maamulkaas, C/weli Maxamed Cali Gaas. Waxaana markiiba heshiiska soo dhaweeyay xubnaha beesha caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya