4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2014
Madaxweynaha Somalia oo kulan la yeeshay dhiggiisa Faransiiska (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 15, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande ayaa maanta xarunta madaxtoooyada Faransiiska si diirran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, halkaasoo ay labada madaxweyne kulan ku qaateen.

Labada madaxweyne waxay ka wadahadleen iskaashiga labada waddan ee Soomaaliya iyo Faransiiska ee dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu kaga mahadceliyay Hollande sida uu ugu soo dhaweeyay Paris.

Wafdiga madaxweynaha Somalia ayaa dowladda Faransiisku oo kursi joogta ah ku leh golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay qayb ay ka qaadato ilaalinta midnimada Somalia iyo la-dagaallanka Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay nolosha kala dagaalanto shacabka Soomaaliyeed.

Ka hor inta aanay labada madaxweyne kulmin, madaxweynaha Soomaaliya ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidammada madaxtooyada dalka Faransiiskam iyadoo madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa ay Paris u joogaan casuumad ay ka heleen madaxweynaha Faransiiska.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya