4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2014
Qarax Ismiidaamin ah oo Fiidnimadii Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegay Mas'uuliyaddiisa


Arbaco, Oktoobar 15, 2014 (HOL) — Fiidnimadii  caawa ayaa wuxuu qarax weyn oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay kasoo horjeedka Ex-fiyoore, iyadoo qaraxu uu haleelay baar halkaa ku taalla, waxaana mas'uuliyadda qaraxan sheegatay Al-shabaab.

Qaraxan oo dhacay 7:00 fiidnimo ee caawa ayaan dilay illaa shan qof oo rayid ah oo ay ku jireen carruur yar-yar, waxaana ku dhaawacmay sagaal ruux oo isugu jiray rag iyo haween, iyadoo dhaawacyada loo qaaday isbitaallada Muqdisho qarkood.

Goobjooge ku sugnaa meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay barxadda iskaashatooyinka ee degmada Xamar-weyne, isagoo intaa ku daray in gaariga oo ahaa nooca raaxada lasoo dhigay meeshaas kaddibna si lama filaan ah u qarxay.

Sidoo kale, qaraxa ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha degmada Xamar-weyne, C/qaadir Maxamed Cabdulqaadir oo sheegay inay ku dhinteen qaraxa ugu yaraan saddex qof oo ay caruuri ku jirtay, qarxanna loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa waxaa ka mid ahaa wariyeyaal ka kala tirsan idaacadaha madaxa-bannaan ee Muqdisho iyo tan dowladda, kuwaas oo kala ah; Ibraahim Sheellare iyo filim-qaade ka tirsan TV-ga Qaranka.

Ciidamada amniga dowladda Somalia ayaa goobta soo gaaray, kuwaasoo xiray waddada oo dhan, waxaana ciidamadu ay fureen rasaas, iyadoo uu adkaaday gurmad loo fidiyo dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxa.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho kii habeenno ka hor ka dhacay maqaayadda Oromo Coffee ee Muqdisho, iyadoo saraakiil u hadlay ay sheegeen inay beegsanayeen dad ay ku sheegeen inay yihiin jawaasiis.

Hay'adaha amniga dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin weli qaraxa caawa ka dhacay Muqdisho, iyadoo goobta uu qaraxu ka dhacay ay ku dhow-dahay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kalena waxay ku dhow-dahay golaha murtiyada iyo madadaalada.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo Muqdisho ka dhaca maanta, iyadoo kii hore uu ka dhashay gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan nabadsugidda oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa, sababayna dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya